DEG DEG: Manchester United Oo Go’aan Ka Gaartay Erik Ten Hag?

0

Koxoda Manchester United ayaa go’aan ka gaartay mustaqbalka tababare Erik ten Hag, kadib guul-darradii 3-0 ahayd ee ay Man City ugu xambaarisay garoonka Old Trafford maalintii Axadii.

Kooxda Manchester United ayaa toban ciyaarood oo horyaalka ah oo ay dheeshay waxa laga badiyey shan kulan iyagoo shanta kalena badiyey, waxayna ka dhigan tahay in ay kaliya haystaan 15 dhibcood oo ay ka urursadeen shantii guulood ee ay heleen.

Culays badan oo ay saaran tahay tababare Erik ten Hag oo xilli-ciyaareedkiisii labaad uu hadda u bilowday, waxayna jamaahiirta kooxdu illoobeen in uu xilli-ciyaareedkii hore soo afjaray abaar dhinaca koobabka ah oo haysatay muddo 5 sannadood ah, wWuxuu u qaaday Carabao Cup.

Sadex guulood oo isku xigay oo ay ka gaareen Brentford, Sheffield United iyo Copenhagen ayaa u muuqanayay inay dib usoo noolaynayaan niyadda United ee hore u liidatay, laakiinse Man City ayaa mar kale madaxooda hoos u celisay.

Siduu qoray wargeyska Manchester Evening News ee xaruntiisu ay tahay Magaalada Manchester, kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ku gaartay in Erik ten Hag aan la saarin wax culays shaqsi ah oo uu sii wato shaqadiisa, isla markaana la siiyo fursad uu kusii hoggaamiyo kooxda.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *