DEG DEG: Erik ten-Hag Oo xddigo Muhiim u ahaa ka dhaawacmeen

0

Naadiga kubadda cagta Man United ayaa xaqiijiyey inuu dhaawacmay difaaca reer Argentina ee L. Martinez oo uu muddo ka maqnaan doono garoomada, sidoo kalena waxaa liiska kooxdaas ee Ciyaaroyda Sabtida Ciyaareyaa laga saaray difaaca bidix ee reer Spain ee Sergio Reguilon.

Labadaan ciyaartoy waxa laga saaray liiska kooxda ee xisaabta kulamada soo socda, balse Reguilon ayaa la filayaa in kaliya kulanka kooxda Palace la ciyaarayaan ee Sabtida uu ka maqnaado.

Tababare Erik ten Hag ayaa ku qasbanaan doona in ciyaartii labaad oo xiriir ah uu difaaca bidix ka ciyaarsiiyo laacibka ay amaahda kaga soo qaateen Fiorentina ee Sofyan Amrabat inuu ka ciyaaro difaaca bidix, maadaama ay sidoo kale maqan yihiin xiddigaha Luke Shaw, T. Malacia iyo A. Wan-Bissaka.

Waxaa kale oo ay albaabadu u furan yihiin H. Maguire iyo Jonny Evans oo heli doona fursado, maadaama waqtiga uu maqnaanayo L. Martinez lagu sheegay in ay tahay waqti dheer oo aan la xaqiijin karin illaa iyo hadda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in l. Martinez uu jiifi doono muddo isbuucyo ah, haddiiba aanay noqonin bilooyin.

War saxaafadeed ay soo saartay kooxda Manchester United ayaa lagu sheegay, in Martinez oo muujiyey geesnimo kulamadii Brighton iyo Bayern Munich, inuu awoodi waayey inuu sii ciyaaro kulamadii Burnley iyo Crystal Palace ee guulaha ahaa, isla markaana uu hadda bilaabayo in uu kasoo kabto dhaawaca iyada oo ay la soconayaan dhakhaatiirtu.

Waxaa kale oo ay kooxdu ka dalbatay taageereyaasheeda inay usoo duceeyaan L. Martinez oo waqti adag ku jira, hase-yeeshee Sergio Requilon oo aan wali kasoo kabanin dhaawac kasoo gaartay ciyaartii Burnley oo tababarkii Khamiistii lagu arkay ayaa isaguna awoodi waayey in uu taam u noqdo kulanka Sabtida ee Crystal Palace.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *