Deg-deg: Carlo Ancelotti Waa uu baxayaa, Xili Labada Shaqsi ee Bedeli Kara La Magcaabay
Kooxda Kubada cagta ee Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay u aqoonsatay Xiddigoodi hore ee Raul-Gonzalez iyo Tabarihii hore ee Santiago Solari labada shaqsi ee bedeli kara mustaqbalka dhow tababaraha reer talyaani ee Carlo Ancelotti, sida laga soo xigtay Marca.
Tani waxa ay timid ka dib markii kooxda AC Milan ay 3-1 kaga badisay Real Madrid kulan ka tirsanaay tartanka UEFA Champions League, iyada oo culeys badan uu saaran yahay macalinka reer Italy.
Tababre Ancelotti ayaa ku dhibtoonaya shaqada tababarenimo ee kooxda Los Blancos xilli ciyaareedkaan, iyaga oo xitaa ay 4-0 kaga badiyeen kooxda ay xifaaltamaan ee reer spain Barcelona.
Inkasta oo ay heleen 24-dhibcood 11-kulan oo LaLiga ah, kooxda Carlo Ancelotti ayaa sagaal dhibcood ka dambeysa hoggaamiyayaasha horyaalka ee Barcelona.
Kooxda Los Blancos ayaa lix dhibcood ka heshay afar kulan oo ay ka ciyaartay Champions League, waxaana ay ku jirtaa kaalinta 18-aad ee kala sareynta horyaalka yurub.
Qandaraaska haatan ee C. Ancelotti kula joogo Real Madrid wuxuu dhacayaa 2026.
Raul-Gonzalez iyo Santiago Solari labaduba waa haleyeeyo hore oo Real Madrid ah, waxa ay diyaar u yihiin la shaqeynta kooxda Los Blancos haddii loo baahdo.