Deg Deg: Afar Xiddig oo u ciyaara PSG ayaa la ganaaxay

0

Afar ciyaaryahan oo Naadiga kubadda cagta Paris Saint Germain ah ayaa ganaaxyo lagu riday, kadib markay ku heeseen hees lagu sheegay cunsuriyad, siduu shaaciyey xiriirka kubadda cagta waddanka Faransiiska.

Inta ay socotay ciyaartii horyaalka Ligue 1 ee bishii hore ee Marseille ee ka dhacday Parc des Princes, taageereyaasha PSG ayaa la maqlayay iyagoo ku dabaal-degaya dhawaaqyo lagu bahdilayo ragga isku taga ee sameeya ficilladii Qowmu luudka.

Afarta Ciyaaryahan oo kala ah Achraf Hakimi, O. Dembele, R. Kolo Muani iyo L. Kurzwaa waxaa mid Hal kulan laga ganaaxay kooxdooda ay ciyaari doonto.

Kooxda Paris Saint Germain ayaa dhankeeda soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in xiriirka kubadda cagta Faransiisku uu ku riday ciqaab iyo ganaax xad dhaaf ah iyada oo la iska indho tirayo sida dhow ee ay kooxdu ugala shaqayso la dagaalanka dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *