Daah furka Premier League-ga: Manchester United VS FULHAM, Ten Hag Oo Waayo Kale Bilaabaya, Fursada Zirkzee & Halista Smith Rowe

0

Garoonka Kooxda Man united ee Old Trafford waxa uu martigelin doonaa kulanka furitaanka xilli ciyaareedka 2024-2025 ee  Premier League, iyada oo Manchester United ay Jimcaha caawa la ciyaari doonto Fulham.

Eedeynta tababare Erik ten Hag waxa ayba ku bilaabatay FA Community Shield finalkii ay ka qaadeen kooxda ay isku magaalada yihiin ee ManCity.

Kooxda Red Devils waxa ay isha ku heysa in ay ka meeydhato murugadii xilli ciyaareedkii hore.

Dhanka kale, kooxda Fulham ayaa sidoo kale dooneysa in ay sare u qaaddo qaab ciyaareedkeeda kadib markii ay ku dhameysatay kaalinta 13-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

Shantii kulan ee ugu dambeesay oo ay kulmeen Man United iyo Fulham tartamada oo dhan.

ManUnited ayaa badisay afar jeer, halka hal jeer ay badisay kooxda Fulham.

Dhibaatada dhaawaca goor hore ayeyba ku habsatay tababare Ten Hag iyada oo saxiixa lacagta badan laga soo bixiyay ee Leny-Yoro uu ku maqan yahay dhaawac cagta ah oo ka soo gaaray kulamadii is diyaarinta, iyada oo Luke Shaw, Tyrell Malacia iyo Victor Lindelof ay ku jiraan qolka daaweynta.

Halka daafaca xulka England ee Harry Maguire uu weli shaki ku jiro taam ahaanshihiisa, walo Ten Hag uu sheegay in la heli karo.

labadii ciyaaryahan ee hore ee Bayern Munich Matthijs de-Ligt iyo Noussair=Mazraoui ayaa laga yaabaa in ay kusoo bilowdan afarta dambe ee ciyaarta.

Dhanka afka hore ee weererka, Joshua Zirkzee ayaa la filayaa in uu ciyaaro iyada oo uu maqan yahay Rasmus Hojlund oo dhaawac ah, iyada oo Jadon Sancho ama kabtan Bruno Fernandes laga dhigi karo sagaal been abuur ah.

Ciyaarta ayaa soo galeysa 10:00 PM xilliga Geeska afrika.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *