Crystal Palace Oo Waqtigii Dhimashada Ku Dhegtay Man City

0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xajisan kari weyday guul 2-0 ah oo gacanteeda ku jirtay, waxaana ay u ogolaatay Crystal Palace in ay dhibcaha ku qaybsadaan barbarro 2-2 ah kulan waqti dambe ay duntay kooxda tababare Pep Guardiola oo ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

Manchester City oo luminaysa tayadii lagu ogaa, isla markaana shantii ciyaarood ee hore lumisay 9-dhibcood, ayaa waxa mar kale ay iska khasaarisay laba dhibcood oo kale, taas oo ka dhigan in lix ciyaarood ay ku weyday 11-dhibcood oo horyaalka Premier League ah.

City ayaa garoonkeeda ku qaabishay Crystal Palace oo uu waqtigu ku adag yahay, waxaana qaybtii horeba hoggaanka u dhiibay Jack Grealish oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Phil Foden halka markii la isku soo noqday qaybta labaadna uu hoggaanka usii dheereeyey Rico Lewis.

Laakiin farxaddani ma aanay sii soconin, waxaana diiday inuu is-dhiibo tababare Roy Hogdson oo ciyaarta kusoo galay shax ay ku maadsadeen taageereyaashu, waxaanay kooxdiisu awoodday inay iska soo beddo labada gool ee lagala hormaray.

Daqiiqaddii 76-aad ayaa kubbad uu dhinaca bidix kasoo jabiyey Schlupp oo uu lugta la waayey Nathan Ake waxa lugta geliyey Mateta oo ciyaarta ka dhigay 2-1, waxaana uu goolkani si dhab ah usoo nooleeyey rajada Palace oo sii kordhisay weerarkeeda.

Man City ayaa heshay fursad ay ku dili karaysay Palace, balse daqiiqaddii 94-aad ee waqtiga dheeraadka ah ee lagu daray ciyaarta ayaa waxa rikoodhe loo dhigay Crystal Palace, kaas oo uu si xarrago leh u dhamaystiray Michael Olise oo ciyaarta ka dhigay barbaro  2-2.

Natiijadan qalbi-jabka ku ah Man City ayaa waxa ay ka dhigan tahay in kooxda Pep Guardiola ay ku negaatay kaalinta afaraad oo ay iska lumisay fursad ay kusoo cidhiidhsan lahayd booska saddexaad.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *