Chelsea Oo Joojisay Tareenkii Guulaha Tottenham xili ay Xasuuqday 9-Xiddig Oo Tottenham Ah Kulan Xiiso Lahaa

0

Kooxda chelsea ayaa garaacday 9 xiddig oo Tottenham ah kulan xiiso lahaa oo ka dhacay London Stadium.

Tottenham ayaa sidii caadada ahayd si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo maamulayay dhankasta kana fiicnaa kooxda chelsea.

Daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta ayay Tottenham dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Dejan Kulusevski kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Tottenham ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda chelsea ayaa bilowday in ay ku soo laabtaan ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn xilli ay adeegsanayeen orodka Raheem Sterling.

Chelsea ayaa dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Caicedo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1 laakiin Goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha inaa Offside ahaa.

Kooxda chelsea ayaa kadib dadaal badan daqiiqadii 35-aad heshay rikoodhe waxaa ciyaarta laga saaray Christian Romero kaas oo ciyaarta ka baxay tottenham ayaana noqotay 10 ciyaartoy.

Xiddiga Cole Palmer u dhaliyay gool koxdiisa isaga rikoodhadii loo dhigay u badalay gool.

Qaybta dambe ayaa ahayd hal dhinac waxana fiicnayd kooxda chelsea oo ka awood badnayd tottenham oo 10 xiddig ahayd.

Daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta ayaa Tottenham laga saaray xiddig kale iyada oo kaadhka 2-aad loo taagay xiddiga Destiny Udogie kaas oo ciyaarta kooxdiisa kaga baxay 9 xiddig.

Wixii intaas ka dambeeyay chelsea ayaa la wareegtay maamulka ciyaarta dhankastana ka awood badnaa Tottenham oo aan wali daafac galin isla markaas daafaceedu furanyahay.

Daqiiqadii 75-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Isla Nicolas Jackson ayaa  mar kale daqiiqadii 90+4 aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay ka hor inta uuna mar kale dhalin goolka 4-aad ee kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea xasuuqday Tottenham dushana u saartay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League xili ciyareedkan.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *