Chelsea Oo Guul weyn ka gaartay West Ham & Jackson Oo Wacdaro Dhigay

Kooxda Kubada cagta ee Chelsea ayaa sii wadata qaab ciyaareedkeedii cajiibka ahaa waxaana ay ka badiyeen naadiga West Ham.
Kooxda Chelsea ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyagoo doonayay inay dhaliyaan goolal waqti hore ah.
Daqiiqadii 4aad ayey kooxda chelsea dhalisay goolka 1-aad waxaana u dhaliyay xidiga N. Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.
Kooxda Chelsea ayaa sii waday dadaalka ay doonaysay goolal ay ku dheeraysato hogaanka ciyaarta.
Daqiiqadii 18-aad ayay kooxda chelsea dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas-Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0.
Waxaa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.
Qaybtii dambe ayay naadiga Chelsea dhalisay goolka 3-aad waxaana u dhaliyay xiddiga C. Palmer kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-0.
Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea badisay kulan ay waliba u qalantay in ay badiso.