Chelsea Oo Guul darro Xanuun Badan Loogu Xambaariyey Garoonkeeda

0

Kooxda Brentford ayaa guuldaro xanuun badan u xambaarisay Kooxdq Chelsea oo ay ku booqatay garoonka Stamford Bridge, waxa ayna ku dishay 2-0 iyada oo ilbiriqsiyadii ugu dambeeyeyna laga dhaliyey gool cidlo ahaa oo uu Sanchez iskaga yimid goolkiisa si uu iskugu dayo in uu goolka barbarraha.

Naadiga Blues oo sare usoo kacaysay maalimihii tegay, ayaa waxa bahdilaad ku samaysay Brentford oo saddex dhibcood iyo laba goal oo nadiif ah ka soo qaadatay.

Laba goal oo qaybtii dambe ay dhalisay Naadiga Brentford ayaa sabab u noqday in ay soo gasho kaalinta 10-aad ee miiska kala sarraynta Premier League, halka Chelsea ay u dhacday booska 11-aad oo ay waliba hoos usii dhaafi doonto hadday badiyaan kooxaha kusoo xiga ee ay farqiga badan ee dhibcuhu u dhaxaynin.

Difaac xumo dhinaca bidix ee Marc-Cucurella uu joogay ka timid iyo difaaca dhexe oo hurday gaar ahaan Xiddiga Disisi ayaa waxa ay in Chelsea laga dhaliyo goal aan la filaynin daqiiqaddii 58-aad, markaas oo kubbad uu B. Mbeumo kasoo gaadhay dhinaca midig uu madax u saaray xiddiga E. Pinnock oo madax awood badan ku dhamaystiray.

Sadex difaac oo daawanayey ayaa awoodi waayey in ay hor joogsadaan E. Pinnock markuu usoo socday kubadda, sidoo kalena goolhaye Sanchez ayaan wax fursad ah u helin inuu joojiyo kubaddaas.

Kooxda Chelsea oo qaybtii hore bandhig fiican samaynaysay ayaanan ka faa’iidaysanin fursadihii ay heshay, waxaa birta garaacay xiddiga Madueke oo u dhowaaday in uu hoggaanka u dhiibo bilowgii ciyaarta.

Goolhayaha kooxda Chelsea ee Sanchez oo ay fartu ku godan tahay ayaa fasaxay goolka labaad ee Brentford, kaddib markuu daqiiqaddii ugu dambaysay isku dayay inuu ka qayb galo koorne ay Chelsea soo tuuranaysay, waxaase markii kubadda ay iska saareen difaaca Brentford ay lugta u gashay B.Mbuemo oo ka boobay ciyaartoyda Chelsea, kadibna u sii dhiibay xiddiga Neal Maupay oo isaguna xerada ganaaxa Chelsea ugu dhiibay Mbeumo oo gool cidlo ah ku leexiyey kubadda.

Goolhayaha Sanchez ayaa kubadda isku dayay in uu soo gaaro, laakiin wuxuu ku dhacay meel dhex isaga oo isku dayay in uu ciriiri ku sameeyo Neal Maupay, waxayna ciyaartu kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Kooxda Brentford.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *