Bellingham Iyo Rodrygo Oo Real Madrid Ku Wareejiyey Hoggaanka Horyaalka Spain

0

Kooxda Real Madrid ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka LaLiga ee Spain, kadib markii ay 3-0 kusoo burburisay Cadiz oo ay ku booqatay garoonka kooxda Cadiz ee Nuevo Mirandilla.

Xiddiga Rodrygo Goes oo lagu qoray kursiga kaydka, ayaa si lama filaan ah loogu soo bilaabay markuu waqtigii iskululaynta xanuunsaday Brahim Diaz oo booskiisa ku qornaa, waxaana uu noqday halyeyga naadiga Los Blancos oo ku hoggaamiyey guushaan.

Saddex goal oo laba ka mid ah uu dhaliyey Rodrygo iyo mid uu ku daray Bellingham ayaa Real Madrid siiyey guul raaxo leh, inkastoo ay ciyaartaan ku waayeen Luka Modric oo dhaawac ku baxay qaybtii dambe.

Weeraryahanka Rodrygo ayaa gool qurux badan ku furay dhalinta goolasha daqiiqadii 14-aad, markaas oo kubbad uu lasoo dhaafay dersin difaacyahanno ah uu darbad xooggan kusii dhaafiyey goolhayaha Cadiz ee Ledesma oo ay u ahayd habeen xun oo uu dhamaadkiina dhaawac ku baxay.

Waxyar kadib goolka, waxa uu Rodrygo hadiyad goolka u hordhigay Joselu oo si la garan waayey uga istaagay kubadda isagoo u qaatay in uu offside ku jiro iyada oo xaqiiqaduna ahayd in uu boos sax ah taagnaa oo haddii uu kubadda uu leexin lahaa goolka oo madhan loo qori lahaa.

Xddiga Rodrygo ayaa sii dheereeyey hoggaanka kooxdiisa daqiiqadii 64-aad oo uu saxiixay goolka labaad oo ahaa mid kale oo qurux badan oo dersin ciyaartooyo ah oo daawanayay isagoo goolkooda ku socda, kadibna toogtay dhinaca midig ee goolhaye Ledesma oo sii taabtay kubadda balse joojin kari waayey.

Goalka saddexaad ee Real Madrid ayaa waxa dhaliyey Bellingham oo xerada ganaaxa uu kubadda ugu dhiibay Rodrygo oo ahaa laacibka kaligii ku filnaaday difaaca Cadiz ee sida fudud ku burburinayay.

Xiddiga Bellingham ayaa uu goolkiisna ahaa midkii 14-aad ee uu u dhaliyo kooxdiisa Real Madrid, waana ciyaartoyga ugu goolasha badan Los Blancos xilli-ciyaareedkaan, sidoo kalena waxa uu hoggaaminayaa horyaalka LaLiga oo uu 11 gool dhaliyey.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay yeelatay 35 dhibcood oo ay ka urursatay 14-kulan oo horyaalka ah, waxayna hal dhibic ka horreysaa Girona oo habeen dambe la ciyaari doonta Athletic Bilabo, taasoo haddii ay badiso mar kale hoggaanka soo ceshan doonta.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *