Bayer Leverkusen Oo Ku Tumatay Bayern Munich, Inter Milan Oo Dhulka Jiid-jiidday Roma, Newcastle Oo Sibiq Ku Baxsatay Iyo Waxyaabihii Ka Dhacay Horyaallada Yurub Maanta Iyo Caawa

0

Xiddigii hore kooxaha Real madrid iyo Liverpool, haddana ah tababaraha kooxda Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa dumiyey boqortooyadii Bayer Munich ee uu hore uga tirsanaan jiray, waxaana uu kusii dhowaanayaa in uu soo afjaro guulihii xiriirka ahaa ee ay Bayern ka keenaysay horyaalka Bundesliga oo ay muddo 11 sannadood oo xidhiidh ahaa si joogto ah u qaadanaysay.

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa 3-0 ku xasuuqday Bayern Munich, waxayna hoggaanka kaga qabteen 5 dhibcood oo nadiif ah, taas oo waqti horeba Bayer Leverkusen ka dhigaysa kooxda ugu dhow ku guuleysiga horyaalka Jarmalka ee Bundesliga.

Naadiga Leverkusen oo aan illaa hadda dhinaceeda dhulka la dhigin oo aan xitaa hal mar laga badinin xilli-ciyaareedkaan oo dhan dhamaan kulamada tartamada kala duwan, ayaa waxa ay mar kale muujisay in aan la celin karaynin.

Daqiiqaddii 18-aad ee bilowga ciyaarta ayuu Josip -Stanišić hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Bayer Leverkusen, laakiinse waxa uu diiday in uu ku dabbaal-dego naadigiisa hore ee uu iskaga tegay markii ay fursadda siin waayeen.

Goolkaan ayaa noqday furaha guusha Leverkusen iyo tababare  Alonso oo aan isagu ka gabanin in uu marba u dabbaal-dego goolasha kooxdiisa, isla markaana illoobay in uu ahaa ciyaartoy ula halgami jiray siday u guuleysan lahayd kooxda uu caawa murugadeeda ku farxayay.

Labada difaac ee dhinacyada ee Grimaldo iyo Jeremie-Frimpong ayaa min hal gool oo kale u dhaliyey Leverkusen, waxayna ciyaarta ka dhigeen 3-0 ay guushu ku raacday Bayer Leverkusen, halka tababare Tuchel iyo xiddigaha kooxdiisa Munich ay niyad jab garoonka ka bixi kari waayeen.

Guushaan ayaa waxa ay siisay Bayer Leverkusen in ay hoggaanka ku qabato 55-dhibcood, halka Bayern Munich ay haysato 50 dhibcood oo ay kaalinta labaad ku jirto, iyad aoo booska saddexaadna ay fadhido Stuttgart oo 40 dhibcood haysata, isla markaana Axadda dheeli doonta kulankeeda usbuucan.

Dhanka kale, horyaalka  Talyaaniga ayaa waxa guul weyn gaartay kooxda hoggaanka haysa ee Inter Milan oo 4-2 kusoo garaacday  Roma oo ay ku booqatay garoonka caasimadda Talyaaniga ka dhisan ee Olimpico.

Xiddiga Acerbi ayaa furay dhalinta goolasha oo Inter Milan hoggaanka u dhiibay, laakiinse Roma ayaa laba gool ugu beddeshay markii ay Mancini iyo Shaarawi laba gool isku xigsiiyeen isla qaybta hore. Inter ayaa dib ka dagaallantay oo ay israaciyeen Thuram, Bastoni iyo gool uu iska dhaliyey Angelino.

Guusha ay Inter Milan gaartay ayaa ka dhigan in ay hoggaanka ku hayso 60 dhibcood, halka Juventus oo kaalinta labaad fadhidaana ay haysato 53 dhibcood.

Dhinaca kale, Newcastle United ayaa waxa ay 3-2 kaga badisay Nottingham Forest oo ay isla rafaadeen, halka Tottenham ay iyaduna guul soo laabasho ah ka gaartay Brighton oo ay kaga badisay 2-1.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *