Barcelona Oo Xasuuqay ba’an u geysatay Valladolid Siina Dheeraystay Hogaanka Laliga

0

Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa xasuuqday kooxda Valladolid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Naadiga Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyagoo doonayay in ay ciyaarta waqti hore ka takhalusaan.

Daqiiqadii 20aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Raphinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Xiddiga  Lewandowski ayaa dhaliyay goolka 2-aad daqiqiadii 24aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2=0.

Daqiiqadii 45+2aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3aad waxana u dhaliyay J. Kounde kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-0.

Waxaa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican.

Qaybtii dambe ayay Barcelona sii waday dadaalada ay ku doonayso inay ciyaarta ku badiso goolasheeda.

Xiddiga reer Brazil ee Raphinha ayaa daqiqiadii 64-aad dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdisa Barcelona waxana uu ka dhigay 4-0.

Raphinha ayaa daqiqiadii 72aad soo laabtay waxaana uu dhaliyay goolkii 5-aad ee kooxdiisa iyo waliba goolkiisii 3aad ee shaqsiga ahaa.

Xiddiga Olmo ayaa daqiqiadii 82-aad dhaliyay goolka 6aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 6-0.

Xiddiga reer spain ee Ferran Torres ayaa daqiiqadii 85aad soo afjaray goolasha waxaana uu ciyaarta ka dhigay 7-0 ay Barcelona guushu ku raacday.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *