Barcelona oo Taago Loo dhigay, Granada ayaana ka Dhalisay Goolkii Ugu Deg-degga Badnaa

0

Kooxda Barcelona ayaa waqti dambe u dagaalantay barbarro ay la gashay kooxda yar ee Granada oo laba goal kala hormartay, kulan gool deg-deg ahaa lagaga dhaliyey ilbiriqsiyadii ugu horreeyey oo ay dhibcaha u wadaageen barbarro 2-2 ah.

Kooxda Granada ayaa shabaqa Barcelona soo taabatay 19 ilbiriqsi oo kaliya ciyaarta oo socota, waxa ayna kubbad ka qaadatay Gavi ku dilay Zaragoza oo hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, kadib markii uu goolhaye Ter Stegen ka hoos saaray kubadda oo uu dhinaca midig ka dhigay.

Naadiga Barcelona oo ay dhaawacyo kaga maqnaayeen dersin ciyaartoydeeda ah ayaa si adag u dagaalantay, inkasta oo ay meesha ka maqnayd tayadii hal abuurka iyo maamulka ciyaarta ee lagu yaqaanay.

Xiddiga Gavi oo isku dayay inuu saxo qaladka uu sameeyey ayaa waxa uu dhinaca midig ugu tuuray kubadda Joao Felix oo isaguna ku toogtay goolka, balse waxa badbaadiyey goolhaye Ferreira oo diiday in shabaqiisa loo weydaarto.

Daqiiqadii 28-aad ayay Granada keentay goolka labaad oo qurux badnaa oo uu mar kale u dhaliyey Zragoza oo kubadda orod kagala galay Kounde, kadibna dhulka ku lagtay Ter Stegen oo uu waabiyey, ka hor intii aanu faro laab ku laadin kubadda ee aanu shabaqa ku hubsanin.

Kooxda Barcelona ayaa is dhiibtay oo u muuqanaysay in ay niyad jabtay, hase-yeeshee waxa niyadda usoo celiyey da’yarka Lamine Yamal oo waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta dhaliyey gool ay ciyaartoyda Granada u malaynayeen offside, laakiin sharci ahaa.

Kooxda Barcelona ayaa waxa xaaladdeeda uga sii daray dhaawac soo gaadhay Kounde oo ka baxay ciyaarta markii ay isku dhaceen saaxiibkii Gavi oo isku dayay inuu ka caawiyo shaqo difaac, waxaana uu garoonka ka baxay dhawr daqiiqado oo uu isku dayay inuu is tiilo oo ay dhakhaatiirtu daaweyn u sameeyeen.

Xiddiga Sergio Roberto oo beddel kusoo galay ayaa dhibicda u badbaadiyey Barcelona oo dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay shabaqa soo taabtay, waxaanu ahaa gool dood galay oo VAR laga soo hubiyey, iyada oo ciyaartoyda Granada ay ku doodeen in difaacooda qalad lagu galay waqtigii dhismaha kubadda goolku uu socday.

Xiddiga Zaragoza oo laf dhuungashay ku noqday Barcelona ayaa birta garaacay daqiiqaddii xigtay goolka barbarraha ee laga dhaliyey, halka Barcelona uu gool laga diiday uu u dhaliyey Joao Felix.

Natiijadaan ayaa ka dhigan, in Barcelona ay u dhacday kaalinta saddexaaad, waxa ayna haysataa 21 dhibcood, iyagoo hal dhibic ka dambeeya Girona oo labaad ku jirta iyo Real Madrid oo 24 dhibcood haysata.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *