Barcelona Oo Hal gool ugu badisay Garoonkeeda kooxda Atletico Madrid

0

Kooxda Barcelona ayaa 1-0 ku dishay Atletico Madrid oo marti u ahayd, kulan uu Robert Lewandowski fursadihii ugu badnaa qasaariyey balse uu Joao Felix ka aargoostay tababare Diego Simeone isla markaana si weyn u dabbaal degay.

Hal Gool madi ah oo qaybtii hore uu Joao Felix u dhaliyey Barcelona oo noqotay mindi aan af laheyn, ayaa go’aamiyey natiijada kulanka oo saddexda dhibcood jeebada ugu shubay Barcelona, halka Atletico Madrid oo la moodayey in ay ciyaar saaxiibtinimo dheelayso ay qalbi jab dib ugu laabatay magaalada Madrid.

Naadiga Barcelona oo u qalmaysay guushan, waxa ay heshay fursado badan oo intooda badan uu ka qasaariyey Robert Lewandowski oo u muuqanayay in uu illoobay sidii goolasha loo dhalinayay.

Daqiiqadii 3aad ee bilowga ciyaarta ayaa baas uu xiddiga Koke bixiyey waxa dhaxda ka qabsaday Joao Felix oo usii gudbiyey Lewandowski oo si dheeli ka muuqdo lugta bidix ugu toogtay, laakiin waxa isku dhigay xiddiga Hermoso oo soo difaacay, halka wax yar kadibna uu Raphinha soo dumiyey dhinaca midig ee difaaca Atletico oo kubadda uu weydaariyey goolhaye Oblak laakiinse uu waayey cid ku taabta.

Fursadii ugu fiicnayd ee Atletico Madrid soo martay bilowgii waxa lumiyey xiddigaha Molina iyo Llorient oo ciriiri skugu dhiibay, taas oo uu badbaadiyey goolhaye Pena ka hor intii aanu Araujo kubadda ka saarin.

Daqiiqadii 28-aad ayay Barcelona hoggaanka ciyaarta ku qabatay gool qurux badan oo uu u dhaliyey xiddiga Joao Felix oo baas qurux badan ka helay Raphinha oo shaqo badan ka hayey dhinaca midig, waxaana Felix ku dulqaaday goolhaye Oblack oo uu shabaqa u weydaariyey.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa si weyn ugu dabbaal degay goolka uu ka dhaliyey kooxdiisa rasmiga ah ee uu amaahda kaga yimid xagaagii, waxaana uu ku istaagay birta xayaysiiska isagoo gacmihiisa kala bixiyey, kadibna muujiyey astaan guuleed oo u muuqanaysay in uu ka aargoosanayo tababare Diego Simeone oo ay isku dhaceen.

Xiddigaha reer barazil ee Raphinha ayaa mar kale uu nasiibku diiday qaybta labaad markii ay Pedri wada ciyaareen kubbad isku taabasho ah, waxaana uu kubadda lasoo galay xerada ganaaxa, kaddibna waxa uu dhaafiyey Oblak, balse nasiib darro waxay kaga dhacday birta.

Fursado badan oo fiican oo kale waxa lumiyey xiddigaha Lewandowski iyo Felix, hase-yeeshee waxay Barcelona u baahatay goolhaye Inaki Pena in uu badbaadiyo laad xor ah oo uu ku toogtay Memphis Depay, taasoo uu ku leexiyey dhinaca birta kadibna sidaa ku badbaadiyey.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Barcelona ay yeelatay 34 dhibcood oo ay soo gashay kaalinta 3aaad, waxayna afar dhibcood ka dambaysaa Real Madrid iyo Girona oo hoggaanka si wadajir ah ugu haya 38 dhibcood.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *