Barcelona Oo Guul darro Loo Xambaariyey Iyo Jarmalka Oo ka shaqeyn weyday lacagtii Sacuudiga

0

Kooxda Barcelona ayaa laga horjoogsaday inay u gudubto wareegga 16-ka Champions League, waxaa dhaxda u gashay Shakhtar Donetsk oo 1-0 ku garaacday, taasoo keentay inay isku soo dhowaadaan kooxaha ku wada jira Group H.

Gool keliya oo dhamaadka qaybta hore uu kooxda reer Ukraine madax meel fog ah ugu dhaliyey xiddiga Danylo Sikan oo uu goolhaye Ter-Stegen gaari kari waayey kubadda, ayaa waxa uu noqday midka Qura ee labada kooxood kala saaray.

Naadiga Shakhtar Donetsk ayaa ka aargoosatay Barcelona oo si xun u xasuuqday kulankoodii hore, waxa ayna taasi keentay in Barcelona ay haysato 9 dhibcood oo ay hoggaanka kusii negaato halka Porto iyo Shakhtar Donetk ay labaad iyo saddexaad ku kala jiraan.

Kooxda Barcelona ayaa haddii ay guuleysa lahayd waxa ay yeelan lahayd 12 dhibcood, waxayna noqon lahayd kooxdii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkaan u gudubta wareegga 16ka Champions League.

Dhanka kale, Borussia Dortmund ayaa 2-0 ku garaacday Newcastle United oo ay taageereyaasha Jarmalku lacag been abuur ah oo ay ku dacaayadaynayaan Sucuudiga ay garoonka ugu soo daadiyeen.

Laba goal oo labadii qaybood ee ciyaarta ay kala dhaliyeen xiddigaha Fullkrug iyo Julian-Brandt ayaa Borussia Dortmund u go’aamiyey guusha, halka Newcastle United ayna awoodi weyday in ay shabaqa soo taabato.

Kooxda Dortmund ayaa ciyaartii hore ee ka dhacday waddanka Ingiriiska waxay 1-0 kusoo garaacday Newcastle United oo hadda kaalinta saddexaad uga dhacday group-ka dhimashada ee F.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *