Barcelona Oo Garaacday Fc Porto & Man City Oo Guusheedii 2-aad Gaartay Champions League.

0

Kooxda Barcelona ayaa guushii 2-aad ka gaartay champions League kadib markii ay garaaceen kooxda fc Porto kulan ka tirsan wareega Group-yada.

Barcelona ayaa ciyaaraysay kubad maamul ah iyaga oo si fiican u ciyaarayay kana awood badneed kooxda reer Portugal.

Fc Porto ayaa iyadana ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo labada kooxoodba si fiican u ciyaareen laakiin Barcelona hoganka heyso.

Qaybta dambe ayay kooxda Fc Porto wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha ciyaarta laakiin Barcelona ayaa difaac fiican gashay.

Dhinaca kale kooxda Man City ayaa sii wada difaacashada tartanka iyaga oo guul ka gaartay kooxda RB Leipzig kulan xiiso lahaa.

Foden ayaa Man City u dhaliyay goolka daqiiqadii 25-aad laakiin waxa ay daqiiqadii 48-aad RB Leipzig u suurtagashay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ciyaarta.

Kooxda Man City ayaa daqiiqadii 84-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Julian Alvarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Man City ku hogaamineyso.

Daqiiqadii 90+3-aad ayay Man City ciyaarta dishay waxana goolka 3-aad udhaliyay xiddiga Jeremy Doku kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-1.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City sii wadato difaacashada koobka ay ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore.

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *