Arsenal Oo U Jawaabtay Manchester City, Kooxda Aston Villa Ayay Garaaceen

0

Kooxda Kubada cagta ee Arsenal ayaa jawaab deg-deg ah siisay kooxda ay xifaaltamaan ee Man City oo ay kula tartamayaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Gunners ayaa guul ka gaartay Naadiga Aston Villa kulan adag oo ahaa mid ay labada kooxood isku jawaabayeen.

Kooxda Arsenal ayaa maamaulaysay ciyaarta laakiinse waxa ay ku dhibaatoodeen in ay dhaafaan daafaca Aston Villa.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah inkasta oo ay sameeyeen fursado ku filan labada kooxood.

Kooxda Arsenal ayaa qaybtii dambe sii waday dadaaladii ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolal.

Daqiiqadii 67aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay L. Trossard kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Naadiga Arsenal ayaa daqiiqadii 77aad dhalisay goolka 2aad waxana u dhaliyay T. Partey kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa. Sidaasi ayey ku badisay Arsenal

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *