Arsenal oo Taariikh weyn dhigtay

0

Kooxda Arsenal ayaa soo gashay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, kadib markii ay guul weyn ka gaartay Sheffield United oo ay ku dardartay 4-0 kulan ka dhacay  Emirates Stadium oo ay Gunners ku raaxaysanaysay.

Sadexlay uu dhaliyey xiddiga Eddie Nketiah iyo laba ay ku dareen Xiddigaha kala Fabrio Vieira iyo Tomiyasu ayaa Arsenal siiyey 3 dhibcood oo sababay in ay kusoo laabtaan waddada guusha ee ay ka leexdeen ciyaartii ugu dabaysay oo ay barbarro 2-2 ah lasoo galeen Chelsea oo ay ku booqdeen garoonka Stamford Bridge.

Daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta ayuu Ciyaaryahanka  Eddie Nketiah hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal, kadib markuu helay baas ka yimid D. Rice oo uu si xarrago leh u dhamaystiray.

Kooxda Arsenal oo ciyaarta maamulanaysay ma aanay joojin weerarka joogtada ah ee ay ku hayeen goalka Sheffield United oo ah kooxda ugu hoosaysa horyaalka Premier League isla markaana haysata dhibic kaliya oo ay ka heshay 10 ciyaarood oo ay dheeshay, ayaa waxay hafiyeen difaaca oo kala daadsanaa, inkastoo qaybta hore lagu kala baxay goalka Nketiah.

Kolkii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay shan daqiiqadood oo kaliya ayuu markale shabaqa soo taabtay Nketiah oo kubbad uu goolhayuhu soo tufay dib ugu celiyey, isla markaana shabaqa la haleelay.

Sideed daqiiqado kadib ayay Arsenal sii dheeraysatay hoggaanka oo uu goolka saddexaad dhamaystiray, ka hor inta aanu F. Vieira oo beddel kusoo galay rikoore kusii niyad jabinin kooxda martida ahayd ee uu waqtigu ku xun yahay ee Sheffield United.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ayey Arsenal keentay goolka shanaad oo uu u dhaliyey Tomiyasu oo beddel kusoo galay, waxayna ciyaartu kusoo dhamaatay 5-0 ay guushu ku raacday Arsenal.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *