Arsenal oo taago loogu dhigay Garoonkooda Emirates, Xilli ay 10 Ciyaaryan ku ciyaarayeen

0

Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Arsenal ayaa ku bilwoday si dar-dar leh ciyaarta iyagoo Brighton ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysay in ay dhaliso goolal ay ciyaarta ku disho xilli ay Brighton dhankeeda isku dayo samaysay.

Kooxda Brighton ayaa dhinaceeda samaysay fursado iyagoo Arsenal ku qaadayay weeraro halis ah oo rogaal celis ah.

Arsenal ayaa daqiiqadii 38aad dhalisay goolka 1-aad waxaana u dhaliyay xiddigooda Havertz kaas oo ka faa’iidaystay khalad ay galeen daafacyada Brighton.

Waxaa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal hoggaaminayso inkastoo ay Brighton samaysay iska caabin xoogan.

Qaybtii dambe ayay kooxda Brighton ku bilaabatay si dar-dar leh iyagoo raadinayay in ay dhaliyaan goolal ciyaarta ugu soo laabato.

Daqiiqadii 49aad ayaa Kaarka gaduudan ama cas ee toos ah loo taagay xiddiga Declan-Rice kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.

Daqiiqadii 58aad ayay Brighton dhalisay goolka bar-baraha waxaana u dhaliyay Joao-Pedro kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal bar-baro niyad jab leh la gashay Brighton kulan ka dhacay Emirates.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *