Arsenal Oo guul muhiim ah gaartay Lana Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League

0

Kooxda Arsenal ayaa hogaanka u qabatay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay si rasmi ah ula wareegtay, kadib markii ay guul ciriiri ah kasoo gaartay Brentford oo ay ku booqatay Galbeedka London, taasoo keentay in ay hal dhibic ku qabtaan.

Naadiga Arsenal ayaa ka faa’iidaysatay fursad ay siiyeen Manchester City iyo Liverpool oo barbarro ku dhamaystay ciyaartoodii maanta, waxaana hal dhibic dhaaftay Gunners oo si buuxda ugu fariisatay kaalinta koowaad ee miiska kala-sarraynta Premier League.

Xiddiga Kai Havertz ayaa noqday halyeyga Arsenal ee go’aamiyey guusha Arsenal, isagoo madax ku dhaliyey kubad uu ka helay B. Saka dhamaadka ciyaarta oo ay hal daqiiqo oo kali ahi ka harsanayd.

Labada naadi waxay sameeyeen fursado halis ahaa oo ay mid walba ugu dhowaatay in ay goolal la timaaddo, waxaase fursadda ugu fiican ee qaybtii hore ay soo martay kooxda martida loo ahaa ee Brentford.

Goolhayaha arsenal ee Aaron Ramsdale ayaa sameeyey qalad doqonniimo ah, waxaana uu kubad u dhiibay Mbeumo, laakiinse waxa la baxsaday Declan Rice oo kubadda oo kasii gudbaysa xariiqda goolka dib usoo celiyey.

Xiddiga L. Trossard ayaa uu nasiibku diiday qaybtii hore oo dhamaystiray gool uu hoggaanka ugu dhiibay Arsenal, balse VAR oo laga soo hubiyey ayaa caddaysay in uu ku jiray offside, taasoo dib u fariisisay tababare Mikel Arteta iyo ciyaartoyda Gunners ee dabaal-degga waqtiga hore ah bilaabay.

Xddiga Maupay ayaa la kulmay karoos dhinaca uu ka keenay Mbeumo oo halis ahaa, waxaana uu ku qabtay goolka oo waxyar u jiray, hase-yeeshee waxa Arsenal la baxsaday Zinchenko oo kubadda dib ka soo celiyey. Waxay ahayd markii labaad ee ay Arsenal ka badbaaddo kubbad la weydaariyey goolhaye Ramsdale.

Daqiiqadii 89-aad ayay Arsenal heshay goolka ay muddada raadinaysay, waxaana kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday B. Saka madax ku dhamaystiray Kai Havertz oo beddel kusoo galay ciyaarta.

Goolkaan ayaa qalbi-jab ku riday kooxda garoonkeeda joogtay ee Brentford oo ay kasoo kaban waayeen, maadaama aanay waqti badan u haysanin inay ka daba yimaaddaan.

Tababaraha arsenal ee Mikel Arteta ayaa markii seedhiga dhamaadka la yeeriyey farxad awgeeda ku dhegay xiddiga uu cadaadiska badan saaran yahay ee Kai Havertz ee geesiga noqday, waxaana uu ku qasbay in isaga oo qoorta jiidaya uu la dabaal-dego.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Arsenal ay la wareegtay hogaanka horyaalka Premier League oo ay yeelatay 30-dhibcood, waxaana kaalinta labaad u dhacday Man City oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey barbarro la gashay Chelsea iyo Liverpool oo haysata 29-dhibcood, halka Liverpool ay saddexaad u daadegtay oo ay 28-dhibcood ka leedahay.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *