Arsenal Oo Guul Ay U Dagaalantay Ka Gaartay Everton iyo Gunners Oo Ku Soo Laabatay Afarta Sarre

0

Arsenal ayaa guul ay u dagaalantay ka gaartay dhigeda Everton oo marti loo ahaa iyagoo ku dubtay gool iyo waxba.

Gool uu dhaliyay qeybtii labaad Trossard ayay Arsenal ku garaacday Everton oo ku jirta boosaska looga haro horyaalka islamarkaana ku soo tashatay kubad difaacasho.

Tababare Mikel Arteta ayaa labo bedel ku sameeyay dhaxdiisa isagoo markii ugu horeysay ku soo bilaabay goolhaye David Raya islamarkaana Aaron Ramsdale uu dhaadhiciyay kursiga keydka halka Vieira uu booska kala baxay Kai Havertz.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid adag iyadoo Everton ay difaaca ka xiratay kooxda Gunners oo u cabooneyd inay hogaanka qabato.

Gunners ayaa mooday inay hogaanka u qabteen ciyaarta daqiiqadii 19-aad markii uu Martinelli uu shabaqa soo taabtay laakiin goolkiisa waa la diiday oo VAR ayaa tilmaamtay inuu offside ahaa.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *