Arsenal Oo Garaacday Wolves Siina Dheeraystay Hogaankeda Horyaalka Premier League

0

Kooxda Arsenal ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Wolves kulan ka dhacay Emirates Stadium kulan ka tirsanaa Premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ah Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay goolal dhaliyaan.

Daqiiqadii 6-aad ayay Arsenal dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Arsenal ayaan halkaas ku joogsan waxana ayna sii waday dadaalada iyo weerarka ay qaadayso.

Daqiiqadii 13-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Martin Odegaard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Gunners ku hogaaminayso.

 

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala nasteen iyada oo Arsenal 2 gool ku hogaaminayso.

Qaybta dambe ayaa ahayd mid ay Arsenal si dagan u ciyaarayso isla markaas ayna ku deg-degayn in ay goolal ka dhaliso Wolves.

Daqiiqadii 86-aad Wolves ayaa dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Matheus Cunha kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul dirqi ah ka gaartay Wolves siina dheeraystay hogaanka Premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *