Arsenal Oo Guushii Koowaad Ee Premier League Ah Ka Gaartay Manchester City Muddo Toddoba Sannadood Ah kadib

0

   Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn garaacday kooxda Manchester City kadib kulan xiiso lahaa oo ka dhacay       Emirates.

    Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo labada kooxood so bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ahaa.

Kooxda Man City ayaa ku fiicnayd maamulista ciyaarta laakiin Arsenal ayaa ahayd kooxda ku fiicneed dhanka weerarka.

    Arsenal ayaa marar badan isku dayday in ay dhaliso goolal xilli ay Man City ku adkayd in ay wax fursado ah          samayso ciyaartan.

Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah iyada oo Arsenal u qalantay in ay dhaliso ugu yaran gool.

Arintaas ayaa dhacday markii ugu horaysay tan ilaa 2012-kii markaas oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah.

Qaybta dambe ayay Arsenal ahayd kooxda fiican iyaga oo dhinaca weerarka kaga fiicnaa kooxda Manchester City.

    Arsenal ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd gool laakiin daafaca City ayaa ahaa mid aad u          adag.

Dhinaca weerarka Man City ayaa ku dhibaatootay waxana ay awood u waayeen in ay wax saamayn ah ku sameeyaan dhigoda arsenal.

Man City ayaa kaliya ku fiicnayd in ay ciyaarta maamusho oo ay kubada haysato in badan.

Kadib dadaal badan kadib oo ay samaysay kooxda Arsenal ayaa ka midho dhalisay dadaalkeeda.

    Daqiiqadii 87-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Man City ee        Nathan Ake.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal garaacday kooxda Man City kana gaashay guusheedii ugu horaysay tan iyo 2016-kii.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *