Arsenal Mise Man City? Supercomputer Oo Markale Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Kadib Markii Ay Gunners Garaacday Man City toddobaadkan.

0

Supercomputer ayaa saadaaliyay sida uu ku dhamaan doono xilli ciyaareedkan horyaalka premier League kadib guushii Arsenal ay ka gaartay Man City toddobaadkan.

Gunners ayaa guul wakhti dambe ah ka gaartay kooxda Man City Axadii iyaga oo uga mahad celinaya xiddigooda Gabriel Martinelli.

Guushaas ayaana Gunners ka caawisay in ay ka kor marto Man City isla markaas gasho kaalinta 2-aad iyaga oo farqiga goolasha kaga dambeeya Tottenham.

supercomputer ayaa saadaaliyay sida uu ku dhaman doono kala saraynta horyaalka premier League kadib markii ay Gunners garaacday kooxda Man City.

Supercomputer oo isticmaalaya qaaciidada BETSiE ayaa sameeyey saadaal kale oo cusub in ka badan 100,000 jeer wareejiyey magacyada iyo natiijooyinka kooxaha ee kulamadii ay ciyaareen, goolasha laga dhaliyey iyo heerkooda awoodeed xiligaas.

Kadib markii la qiimyeeyay kulamada u dhiman kooxaha waxa uu supercomputer saadaaliyay in ay Manchester City ku guulaysan doonto premier League mar kale.

Kooxda Pep Guardiola ayaa loo saadaaliyay in ay markii 4-aad oo xidhiidh ah iney ku guuleysan doonto horyaalka premier League iyaga oo 3-dhibcood horyaalka kaga qaadi doona  kooxda Arsenal.

supercomputer ayaa 54.2% fursad u siiyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale kooxaha Liverpool iyo Newcastle ayaa loo saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonaan 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka halka Tottenham loo saadaaliyay in ay waayi doonto champions League inkasta oo ay hada hogaanka heyso.

Saddexda kooxood ee Bournemouth, Luton iyo Sheffield united ayaa dib ugu noqon doona heerka labaad ee Championship ka.

Halkaan kaga akhriso saadaasha cusub ee Supercomputer ka sameeyey horyaalka Premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *