Q18: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Saacado kadib xiisadaha jaamacadda waa ay soo dhamaadeen. Cayuuni iyo Cali waxa ay aadeen Xaafadda.

Cali iyo Cayuuni Guriga ayey yimaadeen.

Cali Hooyadiisa oo ku Jirta Kushiinka(Jikada) waxaa aragtay Cayuuni kadibna inta ay Buugaagta qolka soo gashatay Dharkana iska soo badashay ayey u Timid Hooyada Cali oo ay ku tiri; “Habo Kasoo Bax Jikada anigaa inta kale sii qabanaayo”

Cali Hooyadiisa: “Gabadhaha kale marka ay yimaadaan waa ay nastaan, adiguna adoo nasanin ayaaba jikada horay kasoo kashay, taasi waxa ay cadeyneysaa inaad tahay gabadh wanaagsan, laakiin kama baxayo jikada waan kula shaqeynayaa waayo gabadhaha ayaa Iskuulka ku maqan waa ayna soo dhawyihiin inta ay imaanayaan anigaa kula sii shaqeynayo”

Cayuuni: “Haye hooyo”

Cali Hooyadiisa inta ay jikada kusii jirtay lasii sheekeysatay Cayuuni waxna ka weydiisay Jaamacadda iyo Cali sida ay isla dhaqmeen.

Cayuuni: “jaamacadda Masha allah ayey aheyd, Cali isaguna si wanaagsan ayaan isla dhaqanay, insha allah dhawaan waxaad arki doontaa annaga oo is-jecel”

Cali Hooyadiisa: “insha allah Gabadheyda”

》 Dhanka kale

Canab waxa ay u ambabaxeysaa Dibedda iyada oo si wanaagsan isku diyaarisay.

Canab waxa ay u sheegtay Cali inay baxeyso Beri Dambe

Cali iyo Canab waxa ay isku balamiyeen Galabta Xeebta si ay u yeeshtaan kulankooda ugu dambeeya oo ay wada galaan sawiro Badan oo xusuus reeb ah.

Saacado kadib Cali iyo Canab waa ay isku Yimaadeen Xeebta.

Cali: “Macaaney oo hadda Beri Miyaad iga tageysaa”

Canab: “Macaanow Kaama tagayo oo Qalbigeyga kula Jooga Keliya Waxaa kaa dheeraaday Qolofteyda”

Cali: “Haye Macaaney aynu wada Galnno Sawiro”

Canab iyo Cali waxa ay wada galeen Dhawr Sawiro oo kala duwan weliba waxaa ku jira sawirada iyaga oo hab isa siinaya iyo iyaga oo gacmaha is-heysta.

Xoogaa kadib

Cali iyo Canab si farxad leh ayey kusoo dhameysteen Kulankooda, kadibna soo kala aadeen Xaafadahooda.

》 Maalintiixigtay

Cali oo Jaamacad leh ayaa hooyadiisa ku yiri, “Hooyo Maantay jaamacadda ma aadi karo oo waxaa baxeysa Canab marka waan ka baaqanayaa ee ha la ii fasax qaado”

Cayuuni oo meesha joogtay ayaa ku tiri Hooyda Cali: “Habo Roob ayaa inoo imaan rabo ee anigaa u qaadayo fasax adiguna u ogolow Cali inuu sagootiyo Canab”

Cali Hooyadiisa oo Fahamtay Sarbeebta Cayuuni ayaa tiri: “Haye waan u ogolaaday Cali in fasax loo qaado”

Cayuuni Keligeeda ayaa jaamacadda aaday, kadibna fasax ayey u qaatay Cali.

Cali waxa uu aaday Garoonka Diyaaradaha isaga oo raba inuu sagootiyo Canab.

Canab iyaduna waa ay soo aaday Garoonka Diyaaradaha, Duulimaadka waxa ay ku qoran tahay 08:00-AM Subaxnimo.

Canab waa ay timid Garoonka, waxa ayna ku aragtay Cali oo fadhiya qeybta Soo dhaweynta.

Cali marka uu arkay Canab waa uu sop istaagay isaga oo gacanta ubax ka sida ayuu aaday dhankeeda.

Canab iyo Cali waa ay s-xaal wareysteen.

Cali: “Runti waan ka xumaaday markaad i dhahday waan baxayaa, laakiin wax walba ka weyn kalsoonida iyo Axdiga, maantayna waad duuleysaa, markaad tagto wacitaan ayaan kaa sugayaa net-ka ama Teleefoonka midkii ahaadaba, Hoona iga  guddoon Ubaxaan 🌷”

Canab: “Aboowe Macaan Meel walba oo aan tago Net-ka kaala soo hadlayaa waayo Wadamada Dibedda marka laga soo wacayo Soomaaliya waa ay qarash badan tahay, waana kaa guddoomay Haddiyadaada Qiimaha Leh, Aniguna iga guddoon haddiyadaan🎁”

Cali: “Haye Macaanto kaa guddoomay”

Xoogaa kadib

✈ Canab waa ay kortay diyaarada kadibna waa ay duushay diyaaraddu.

Cali xaafadda ayuu isa soo aaday.

Cali marka uu guriga yimid waxa uu furay haddiyaddi canab soo siisay, waxa uuna ku arkay Sawiradii ay wada galeen oo lasoo naqshadeeyey lasoona geliyey Baniigal iyo Ubax oo meesha ku jira.

La soco Qeybta Xigta Inshaa Allah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *