Q17: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Isbuuc Kadib. Cayuuni iyo Cali waxaa loo waday Jaamacaddii si loo soo qoro. Cali iyo Cayuuni jaamacadda ayey kusoo wada wareegeen iyaga oo ka helay muuqaalkeeda iyo Baaxadeeda.

Cayuuni iyo Cali waa ay isa soo qoreen kadibna xaafadda soo wada aadeen.

Cali iyo Cayuuni Guriga ayey wada yimaadeen

Cayuuni iyo Cali Hooyadiisa ayaa isku wada yimaadeen oo ay yeeshteen kulan wada sheekeysi ah.

Cali Hooyadiisa: “Haye Gabadheyda waxaan kaa dareemay inaad Jeclaatay Wiilkeyga ee taasi sax sooma ahan”

Cayuuni: “Waalidka Korkoodu waa wada indho wax aan afka laga sheegin ayey durba ogaanayaan, Habo waana sax, Cali waan jeclaaday Balse waa inuu isaga i dareemaa, aniguna waana sii sameynayaa waxqabadka aan hadda u sameeyo isaga ilaa uu ii darermayo”

Cali Hooyadiisa: “Gabadheyda Runti annaga oo dhan waad inna kasbatay oo sida ugu dhaqsiyaha Badan ayaad nagu milantay calashaan inna dhex-qaatay, Guriga oo dhan waxaad ka dhigtay mid nuurayo oona farxad badan ka jirta Balse Cali weli ma aadan kasbanin taasina waan rajeynayaa inuu dareemo isagana”

Cayuuni: “Wax walba waxaa u sabab ah adiga hooyo, waayo waxaad dhashay ubad wada bashaash ah, aniguna la mid ayaan noqday sidaasuu guriga u noqday Mid farxadeysan, insha allah Cali isaguna waan kusoo biirin doonaa”

Cayuuni Gabadh Go’aan leh….

Cali Hooyadiisa iyo Cayuuni wada sheekeysigoodii halkaasi ayey kusoo dhameeeyeen.

Cali iyo Canab kulamadooda ayaa sii baday oo Isbuucii 3 Mar ayey wada kulmaan iyaga oo waqti dheer isla qaata.

Maalmo kadib. Maalmihii Jaamacadda ayaa bilawday

Cali iyo Cayuuni Maalintii ugu horeysay ayey jaamacadda isku raaceen. Inta ay jidka kusii jireen waxaa dhex-martay sheeko.

Cayuuni: “Aboowe Maantay waa maalinta ugu horeysa Jaamacadda Ee maxaad dareemeysaa”

Cali: “Abaayo Horta Taasi intaan ka jawaabim waxaa jirta arin aan kuu sheegin inaa kuu sheego”

Cayuuni oo isla hadashay waxa ayna isku tiri: “Tolow Wiilka jacayl dhankeyga ah miyuu dareemay” isla hadal kadib, “aboowe ii sheeg arinkaasi”

Cali: “Abaayo Wax kale ma ahan Bishaan marka ay dhamaato Canab waa ay baxeysaa waxa ayna aadeysaa Dibedda oo ay ka heshay Deeq Waxbarasho”

Cayuuni oo Farxad dareentay ayaa ugu jawaabtay, “Aboowe Taasi waa mid xanuun ah, adiguna waxaad dareemeysaa Culeys haddiiba ay kaa dheeraato Canab sooma ahan”

Jiilinka Cayuuni.

Cali: “Haa abaayo Weliba mid saa’id ah, laakiin aniga iyo iyada Balan ayaan kala qaadanay”

Cayuuni oo isla hadashay baa tiri, “Wallaahi Waa Jaanis waana inaa ka faa’iideystaa Maadaama ay canab dibedda aadeyso” isla hadal kadib “Aboowe masha allah waaye markaasi, hadiiba balan kala qaadateen, Jaamacadduna waan imaanay ee aynu gudaha u galno”

Cali: “Haa abaayo mana dareemin inaa soo socday oo sheekada ina mashquulisay”

Cayuuni iyo Cali jaamacadda ayey  galeen oo ay fadhiisteen Fasalka cusub.

Saacado kadib waxaa la gaaray Xilliga Bareega

Cali iyo Cayuuni waxa ay isku Raaceen Maqaayad Jaamacadda ku Dhex taalo.

Cayuuni iyo Cali Cunto ayey isla Cuneen waana Markii ugu horeysay oo ay Cunto isla Cunaan Xaataa guriga cunto islama cunaan.

Cayuuni arimahaan oo kale waa waddadii ay ugu soo dhawaan laheyd Qalbiga Cali.

Cali iyo Cayuuni waxa ay ku laabteeen Jaamacadda si ay xiisadaha kale usoo qaataan.

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *