Dhaawacii Casemiro oo war naxdin kasoo yeertay

0

 

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Casemiro ayaa awoodi waayey in uu tababarka la qaato ciyaartoyda xulka qarankiisa Brazil ee isku diyaarinaya kulanka adag ee isreeb reebka Koobka Adduunka ee Salaadada ay la ciyaarayaan Uruguay, waxa aana uu la dhibaatoonayaa dhaawacii kasoo gaaray kuraanta.

31-jirkan ayaa laga saaray garoonka ciyaartii Venezuela ay barbarraha 1-1 la galeen Jimcihii, markaasoo uu dalbaday in la beddelo iyada oo ay dhakhaatiirtu isku dayeen in ay caawiyaan.

Tababaraha leeliya xulka Brazil ee Fernando Diniz ayaa xaqiijiyey in Casemiro uu dalbaday in la beddelo sababta oo ah dhaawaca kuraanta, laakiinSe wargeyska Globo Esporte ee kasoo baxa waddanka Brazil ayaa sheegay in laacibkani uu illaa iyo hadda awoodi la’yahay inuu tababarka qaato.

Warka ayaa intaas ku daray, in Casemiro uu ku ciyaarayay dhaawac uu xanuun ka dareemayay qaybtii dambe ay u badan tahay inaanu qayb ka noqon kulanka Uruguay ee muhiimka u ah xulkiisa, waxa aana hadda xaaladdiisa gacanta ku haya dhakhaatiirta Brazil oo isku dayaya in ay la tacaalaan xaaladdiisa, waxa aana la geeyey hotel uu tababar fudud oo jimicsiyo ah ku sameeyo.

Waqti dambe oo maanta ah saacadda Brazil ayaa la sheegay in warbixinta rasmiga ah ee la xiriira dhaawaca Casemiro uu shaacin doono tababare Diniz, balse xogta sheegaysa inuu awoodi waayey inuu tababarka qaato ayaa dhibaato ku ah Manchester United.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *