France Iyo Portugal Oo Usoo Baxay Euro 2024, Holland Oo Xaalku Ku si Xumanaya Iyo Natiijoyinka Kulamadii xalay

0

Xulka Qaranka France ayaa usoo baxay koobka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee sannadka so socdo lagu qaban doono waddanka Germany, kaddib markii ay guul 2-1 ah ka gaadheen Netherlands oo xaaladdoodu xun tahay, isla markaana halis ugu jirta in ay ka hadho tartanka Euro ga.

Kylian Mbappe ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay labadii qaybood ee ciyaarta, isaga oo dhaliyey laba gool oo aad u qurux badnaa oo waliba midka dambe uu difaacyada ka sameeystay sida uu doono.

Tababare Didier Deschamps iyo ciyaartoyda xulkiisa ayaa si aad ah ugu dabbaal-degay gudaha magaalada Amsterdam ee waddanka Holland oo ay kala soo laabteen 3-dhibcood oo u xaqiijiyey in ay xaqiijistaan booskooda tartanka Euro ga ee xagaagan lagu qaban doono waddanka Germany.

Dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsanaayeen ayaa ay Netherlands keeneen gool aan waxba tarin, waxaana hadda Group B hogaaminaya France oo haysta 18 dhibcood oo badiyey lixdii ciyaarood ee ay dheeleen, halka kaalinta labaad uu ku jiro Greece oo 12-dhibcood leh iyo Netherlands oo haysata 9 dhibcood oo ay tahay inay si adag u dagaallanto labada ciyaarood ee hadhsan, kuna ducaysato in laga badiyo Greece.

Dhinaca kale, xulka qaranka Portugal ayaa asagna noqday xulka labaad ee usoo gudbay tartanka Euro 2024, waxaanay diyaarsadeen booskooda Germany iyaga oo taageereyaashoodu kaliya sugi doona inta la gaadhayo isku-aadka, si ay u goostaan tigidhada daawashada ciyaarahaas, iyaga oo 3-2 kaga takhaluusay Slovakia.

Gool uu ciyaarta ku furay weeraryahanka PSG ee Goncalo Ramos ayaa waxa laba gool oo kale oo midkood rikoodhe ahaa raaciyey Cristiano Ronaldo, halka xulka martida u ahaa ee Slovakia ay laba gool keensadeen.

Portugal ayaa hoggaaminaya Group J oo min toddoba ciyaarood la dheelay, waxaana ay haystaan 21-dhibcood iyaga oo badiyey dhamaan kulamadii ay ciyaareen ee isreeb-reebka Euro 2024, waxaana labaad iyo saddexaad isku haysto Slovakia oo leh 13-dhibcood iyo Luxemburg oo haysata 11-dhibcood, balse xulka Bosnia oo 9-dhibcood haysata ayaa uu sidoo kale hunguri ku jiraa.

Natiijooyinka ciyaarihii isreeb-reebka Euro 2024 ee xalay

QUALIFYING EURO 2024 GROUP J

  • Iceland 1-1 Luxembourg
  • Liechtenstein 0-2 Bosnia-Herzegovina
  • Portugal 3-2 Slovakia

QUALIFYING EURO 2024 GROUP B

  • Netherlands 1-2 France
  • Republic of Ireland 0-2 Greece

QUALIFYING EURO 2024 GROUP F

  • Estonia 0-2 Azerbaijan
  • Austria 2-3 Belgium

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *