Madaxweynaha Horyaalka Sucuudiga Oo Ka Hadlay Qorshaha Ay Liverpool Kaga Xoogayaan Xiddig Muhiim u ah

0

Michael Emenalo oo ah madaxa horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa sheegay in uu isagu si shaqsi ah u doonayo in xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah uu yimaaddo horyaalka sacuudiga,isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii laacibka reer Masar ay uga soo qaadan lahaayeen Liverpool.

Salah ayaa si weyn loola xidhiidhiyey kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad oo la sheegay in a xataa diyaar ula ahayd lacag ka badan £220 milyan oo Gini oo ka dhigaysay ciyaartoygii ugu qaalisanaa football ka abid.

Bishii August ee sanadkan ayeey gilgilantay Liverpool markii ay joogsan waayeen hadal-haynta Sucuudiga ee Mohamed Salah oo isaguna ka gaabsaday in uu warkiisa caddeeyo, waxaana ay wadnaha farta ku hayeen illaa maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga ciiyaartoyda ee September.

31-jirkan oo si fiican ku bilowday xilli-ciyaareedkan kana caawiyey Liverpool in ay saddex dhibcood ka dambayso kooxaha hoggaanka haya, ayaa waxa la warinayaa in xagaaga dambe uu ka degi doono Sucuudiga.

Michael Emenalo oo ah madaxa horyaalka Sucuudiga ayaa waraysi uu bixiyey lagu weydiiyey waxa ka jiray damacoodii Mohamed Salah, waxaana uu si aan ganbasho lahayn u qiray inay doonayeen waliba uu isagu hormood u ahaa fulinta qorshahaas.

“Mohamed Salah waanu soo dhaweyneyna mar walba waa xidig weyn, mana jiro qof lagu cadaadinayo ama lagu qasbayo in uu yimaaddo halkaan.” Ayuu yidhi Michael Emenalo.

Waxa uuna kusii daray: “Aniga waxa uu ii yahay ciyaartoy aan si shaqsi ah u jecelahay. Haddii ay dadku doonayaan in uu yimaaddo, lana helo fursad aanu kagala shaqayno kooxaha in ay lasoo wareegaan, aad ayaan ugu farxi lahaa runtii.”

Si kastaba ha ahaatee, Mohamed Salah ayaa xilli-ciyaareedkan waxa uu kooxdiisa Liverpool ka caawiyey 10-gool oo iskugu jira kuwo uu dhaliyey iyo kuwo uu caawiyey.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *