Q14: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Maalintii xigtay. Cali iyo Canab ayaa isku Yimaadeen Maqaayad ku taala Xeebta.

Cali inta uu soo socday waxaa kasoo dabo raacday Cayuuni Balse isaga ma iga.

Cayuuni iyaduna waxa ay fadhiisatay maqaayad kale oo u dhaw maqaayadda ay joogaan Cali iyo Canab.

Cayuuni Meel xun jooga iyo Dabagale.

Canab iyo Cali waa ay is-xaal wareysteen kadib wada sheekeysikooda ayey galeen.

Cayuuni xoogaa marka ay joogtay Fariin ayey u dirtay Cali, kuna tiri; “Aboowe qaali maalmahaan damaashaadkaada miyaa baxaya oo waxaan ku arkaayey adiga oo Xeebta usii socda”

Cali iyo Canab oo sheekada Dhexda mareysa ayuu soo qeyliyey teleefoonka Cali kadibna uu eegay fariinta doo dhacday.

Canab oo horay shaki ka qabtay ayey aragtay Cali oo ku mashquulsan Teleefoonka waxa ayna ku tiri; “Macaane Bankiga miyaa Fariin kuu soo diray mise Hooyo”

Cali oo si caadi ah u hadlay waxa uuna ku yiri: “Haa qaali Hooyo ayaa ii soo dirtay fariin ah inaan aado shirkada beri oo aan habaryar lacag u diro”

Canab oo si sarberb ah ku dhahday: “Aboowe Habaryartaada Caaisho miyaa la dhahaa”

Cali: “Haa Qaali”

Canab: “Habaryartaada in la dhaho Maryan ayaaba igu sheegtaye ma mid kale ayaa jirta”

Cali ayaa yidhi: “Haa waa ay jirtaa oo Caaisho waa gabar ay hooyo ilmo adeero yihiin marka waa sidaa”

Canab: “Waxaan Maqlay Gabadh Caaisho la dhaho inay dhibtay wiil kaasi oo leh jacayl Xiriir”

Cali oo fahmay hadalka Canab ulajeedkiisa ayuu galay xoogaa fikir ah, “Tolow miyey ogaatay, laakiin waa inaa runta u sheegaa wax walbana si deggan ugu dhaadhiciyaa” isla hadal kadib, “Macaanto waxaan rabaa Hadal inaa kuu sheego kaasi oo dhawaanahaan qarinaayey, hana iga xumaanin”

Canab: “Aboowe Macaane waaba waxa aan kuugu Jeclahay Runta, ee ii sheeg hadalkaasi”

Cali inta uuba u sheegin teleefoonka ayuu u dhiibay, kadibna ku yiri: “qaali Fariimaha Gal, kadib akhri waxa meesha ku qoran, illaa iyo Hadda waaba garan la’ahay qofta ay tahay Gabadhaasi, waxaaba kasii daran marka aan meeshaan imaanayey waa ayba i ogeyd”

Canab waa ay wada fiirisay Fariimaha, waa ayna ku qanacday hadalka Cali iyo Kalsoonida uu ugu sheegay.

Canab: “Aboowe hadiiva aad i tusisay waaba beelo, maalintii ugu dambeysay ee imtixaanka galeynay ayaan arkay fariintaan oo soo dhaceysa, markaasi ayaana kaa yar shakiyey, xaataa Hadal sarbeeb ah oo xoolaha ku dhahay”

Cali: “Haa ma sidaasaa wallaahi shaki waa dhib badan yahay, aniga iyo Adi waan is-jecelnahay dhawaana jaamacadda ayaan ku biireynaa insha allah”

Canab: “insha allah Aboowe Macaane”

Cayuuni waxa ay aragtay Cali iyo Canab oo hab isa siinaya, waxa ay dareentay Xoogaa hinaaso ah. Balse eegmada kama aysan dhaafin.

Xoogaa kadib

Cali iyo Canab waa ay kasoo tageen Xeebta oo waxa ay soo aadeen Xaafaddda.

Cayuuni waa ay ka yar dambeysay labada kale.

Daqiiqado kadib

Cali iyo Canab Xaafadda ayey yimaadeen kadibna waa ay is-macsalaameeyeen oo waxa ay kala aadeen Guriyahooda.

Cayuuni xoogaa kadib guriga ayey timid.

Cali oo Qolka wiilasha ku jira waxaa teleefoonka kasoo wacday Gabadhii Caaisho u yaqaanay ee Cayuuni, waa uuna ka qabtay

Cayuuni: “Haye aboowe Maantay waqti dheer ayaad kusoo qaadatay Xeebta, waana kuu jeeday adiga oo gabadh la fadhiy”

Cali: “Adiga meel walba ma ila joogtaa waaba yaabaye, mideeda kale Maskaxdeeda Mashquul ayaad ka dhigtay wallaahi”

Cayuuni: “Waaba beeli haddii maskaxdaada degay, inta kale iyagaa iska dhamaan doonaan”

Cali: “Abaayo iga qaley hee wallaahi waan daalanahay hadda”

Cayuuni: “Haye abooowe ii naso”

Cali marka uu soo dhameeyey la hadalka gabadhaasi waxa uu soo fadhiistay Darjiinka kadibna waxa uu u yeeray Cayuuni.

Cayuuni Hal gabadh iyo Labo Magac.

Cayuuni lambarka Ay Cali ku dhibto waa ay soo damisay Kadibna u timid Cali.

Cali: “Abaayo maantay waxaan aaday Xeebta aniga iyo Canab, Balse waxaa isoo dhibtay Caaisho, oo Fariimo badan ayey ii soo dirtay hoo oo arag”

Cayuunii oo ah qofta soo dirtay ayaa aragtay Fariimaha, kadibna ku tiri; “Aboowe Gabadha saan oo dhan kuu jecel oo daqiiqad daqiiqad kuugu soo direysa fariin Jacaylkeeda miyaad Fahmi weyday, mideexa kale Canab haddii aad si dhab ah u jeceshahay Gabadhaan Caaisho la dhaho ma iska xirtid oo maka aamustid hadii aadan waxba u haynin, Aniga labadaasi go’aan mud qaado ayaan ku dhibi lahaay”

Cali: “Wallaahi waxaan sameeyo ma aqaano, waaba ku wareersanahay, caaisho inaa jaro rabaa balse waxa ay igu wareerisay fariin iyo wacitaan joogta ah, halka canab wada sheekeysikeenna uu waqti leeyahay”

Cayuuni: “Hadiiba ay sidaasi tahay aniguna igu Biiri Tartanka”

Cali ayaa ku dhahay: “Hayaay, Oo adiguna in aad saddex igu noqoto rabtaa miyaa”

Cayuuni: “Haa maxaa dhacay, saacaan wixii ka dambeya waaba kaa helay waana inaa qalbiga jako iga siisaa”

Cali: “Kaftanka naga dhaaf abaayo ee mida i heysata ayaa madax xanuun igu filane”

Cayuuni: “Runta hadaan Ka hadlo waan kaa helay, Maalinta Beri oo ay tahay Sabti Galabtii waxaa inoo Balan ah Xeebta wax badan ayaana ku sheegi doonaa oo aadan la socon”

Cali: “Sabtiga iyo meeshaasi ha i gaarsiinine ii sheeg hadda waxa aad heyso”

Cayuuni: “waa saan kuu sheegay Beri ayaa inoo Balan aboowe, halkaani munaasib kuma ahan inaa ku sheego”

Cali: “Haye aboowe inoo sabtiga iyo waxa aad ii heyso”

Cayuuni: “Insha allah Aboowe inoo Beri”

Cayuuni iyo Cali sidaasi ayey ku balameen.

Saacado kadib

Cali iyo Canab qadka internet-ka ku sheekeysteen, kadibna waa ay kala seexdeen.

Saacadu waa 01:00 Habeenimo waa xilliyada Saqda dhexe.

Cayuuni waxa ay teleefoonka ka wacday Cali.

Cali oo Hurdaayey waxa maqlay teleefoonkiisa oo soo yeerayo, waa uuma soo qabtay, waxa uuna arkay Teleefoonka Caaisho oo laga soo wacaayo, kadibna ka qabtay.

Cayuuni oo xaalka ka wareysanin ku tiri: “Awgaa u hurdi waayey, awgaa u Haraaday oo usoo jeedaa, ee wax ma ila qabatid aboowe”

Cali oo hurdo heyso ayaa ugu jawaabay, “Weligeyga saacaan la ima soo wacin ee Beri galab aan isku aragno Xeebta”

Cayuuni: “Haye aboowe Macaane” kadibna teleefoonka ku jartay.

Cayuuni oo isla hadashay waxa ayna isku tiri: “Wallaahi waa saan rabay, beri marka aan isku imaano ee aynu wada sheekeysaneeno, waxaan teleefoonka Caaisho igu yaqaano Fariin ugu dirayaa si uu mashquulo, aniguna waa inaa ka faa’iideystaa oo aan ku dhahaa hadal Soo jiidasho leh” kadibna waa ay iska jiifatay……..

 

La Soco Qeybta Xigta Inshaa Allah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *