Ciyaryanka Takefusa Kubo ayaa koox Weyn oo ka ciyaarta Premier League qaadaneysa, Waa Kooxdee?

0

Horyaalka Spain oo 10 kulan ilaa hadda la ciyaaray, ayaa Kubo waxa uu dhaliyey shan gool iyo laba caawiye, halka uu sidoo kale qaatay abaal-marintii La Liga ee bishii Sebtembar, isaga oo ku garaacay Jude Bellingham iyo Robert Lewandowski.

Xiddiga Kubo oo qaab ciyaareedkiisa soo jiidatay kooxo waaweyn oo xiisana u haya,  ayaa wargeyska Nacional (via Football365)  soo wariyey in Manchester United ay aad u xiiseyneyso 22 jirkaan. Kooxda Premier League ka dhisan ayaa u aragta mid aad u fiican oo garabka midig ah, iyada oo Antony iyo Jadon Sancho ay si weyn u soo bandhigeen bilihii la soo dhaafay hoos u dhac dhanka weerarka.

Kooxda Real Sociedad ayaa ka cago jiidi doonta iibinta Kubo, gaar ahaan maadaama ay Real Madrid leedahay qodob qiimo jaban oo lagu burburin karo heshiiskaas oo uu ku aadayo Donostia-San Sebastian, sidoo kale waxaa heshiiskaasi ku jiro qiimaha lagu iibinaayo in ay qeyb ka yeelaneyso Real madrid.

Xiddigaan ayaa qandaraaskii lagu burburin karaa 60 milyan oo euro, kaas oo haddii la iibiyo, ka dhigaysa in Real madriid lacagta qeyb yeelaneysa. Haddaba real sociedad ayaa ku qabsan in ay xiddigooda heystaan

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *