Barcelona oo dib ugu soo laabanayaan saddex ciyaartoy Ka Hor Kulanka Real Madrid

0

Kooxda Barcelona ayuu usoo yeeray war ka farxiyey oo u sheegaya, in ay dib u helayaan saddex ka mid ah ciyaartoydii dhaawaca kaga maqnaa, ka hor intaan la gaarin ciyaarta Real Madrid ee horyaalka LaLiga ee 28-ka bishan October.

Kooxda Barcelona ayaa xilli ciyaareedkaan ay dhaawacyo ragaadiyeen ciyaartooyo ka mid ah, sida R. Araujo, Pedri, Frenkie d Jong, Raphinha, R. Lewandowski iyo Kounde oo isaguna Axadii ku biiray liiska dhaawacyada.

Xiddiga Ronald Araujo ayaa hore ugu soo noqday Barcelona oo beddel kusoo galay ciyaartii Axadii ay barbarraha 2-2 la galeen kooxda Granada, balse waxa kale oo uu tababare Xavi rajaynayaa inuu dib u heli doono saddex ciyaartoy oo kale marka laga soo noqdo kulamada caalamiga ah.

Siduu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa dalka Spain, Barcelona ayaa dib u heli doonta xiddigaha Pedri, Raphinha iyo R. Lewandowski ka hor inta aanay dhamaanin bishaan, waxana jirta rajo weyn oo ah in saddexdooduba ay taam u noqon doonaan kulanka Real Madrid.

Naadiga Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxaha Athletic Bilbao iyo Shakhtar Donetsk, waxayna labadaan ciyaarood waqti hore ku noqon karayaan saddexdaan ciyaartoy oo ay u badan tahay inay ka maqnaan doonaan, hase-yeeshee ciyaarta Real Madrid ay Olympic Stadium ku martigelin doonaan October 28 ayaa ay diyaar u noqon doonaan.

Xiddiga De Jong ayaa la sheegay in isaguu maqnaanshihiisu dheeraan doono oo uu seegi doono kulanka Real Madrid, laakiin hadday Barcelona dib u hesho, xiddigaha Pedri, Raphinha iyo R. Lewandowski ciyaarta El Clasico ayaa war weyn u noqon doonta jamaahiirta kooxdaas iyo tababare Xavi oo ka cabanayay ciyaartooy yaraan.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *