Q13: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Maalmo kadib. Waxaa lasoo shaaciyey Xilliga la geli doono Imtixaanka Shahadiga ah  ee dugsi Sare. Kaasi oo ay geli doonaan bisha soo socoto kowdeeda, waxaana ka xiga 3 Isbuuc.

Canab, Cali iyo Cayuuni isku mar ayey Galayaan Imtixaanka, waxa ayna ku galayaan Goobo la shaaciyey.

Cayuuni iyo Cali oo isku Guri ah ayey ku Bilaabeen Habeenkii in ay wax iskula Akhristaan.

Cayuuni oo ay is-ilaalineysaa oo teleefonka waxa ay go’aansatay inay qolka uga soo tagto inta ay isla joogaan Cali.

Canab iyo Cali Galab walba waa ay isku yimaadaan iyaga oo casharada ku ceshadaan, waxa ayna isku yimaadaan Guriga Canab.

Cayuuni waa u dan inay habeen walba isla joogaan Cali, waayo waxa ay ka raadineysaa soo dhawaasho ama inuu usoo jaleeco.

Cali Hooyadiisa iyo Walaasheeda oo teleefoonka iska soo waceen, waa ay is-xaal wareysteen, kadin waxa ay wax iska wareysteen Arinta Cali iyo Cayuuni.

Cali Hooyadiisa: “Gabadha aan habaryarta u ahay waaba Gabadh Caqli alle ku maneystay, si wacan ayey casharada iskuul u diyaarineysaa, waxaana isla diyaarinayaan iyada iyo Cali.

Walaasheeda: “Haa waaba mid fiican hadiiba ay wax isla diyaarsanayaan, insha allah dhawaana waan diyaarin doonaa arooskooda balse waxbarashada haka guul gaaraan”

Cali Hooyadiisa: “Insha allah abaayo Qeyr badan ayaana kuu rajeynaa”

Walaasheeda: “sidoo kale insha allah abaayo”

》Maalmo kadib. imtixaankii shahaadiga ee dugsi sare ayaa bilawday.

Canab, Cali iyo Cayuuni Hal Meel ayey ku wada galayaan Imtixaanka.

》Maalintii koowaad ayaana la wada yimid Halka imtixaanka lagu galaaayo.

Cali iyo Cayuuni oo isla socdaan waxa ay yimaadeen Goobta imtixaanka ku galayaan.

Cali Marka uu yimid Goobta, waxa uu arkay Canab oo iyaduna meesha joogta, waa uuna aaday Xageeda.

Cayuuni ayaa aragtay Cali oo canab usii socda, waxa ay go’aansatat marka uu u tago kadibna wada sheekeystaan inay Fariin ugu dirto Teleefoonka.

Canab iyo Cali waa ay is-xaal wareysteen, kadib waxa ay isku soo hadal qaadeen labada maado oo ay galayaan iyo sida ay isku soo diyaariyeen.

Canab: “Masha allah Qaali imtixaanka si wacan ayaan usoo diyaariyey, Adiguna ii sheeg sida aad isku soo diyaarisay”

Cali: “haa Qaali masha allah waaye insha allah darajo fiican ayaan rajeynaa”

Cayuuni oo arkaysa wada sheekeysiga dhex-Maraya  Canab iy9 Cali, waxa ay fariin u Dirtay Cali; “Asc aboowe, sidee tahay, maantay waxaan guda galeynaa maalmihii imtixaanka, alle ha inoo wada fududeeyo”.

Cali iyo Canab oo wada Sheekeysiga Dhexda u mareysa, waxaa soo dhacday Fariinta Cayuuni, Canab waa ay maqashay, Cali isaguna waa uu maqlay, kadib teleefoonka ayuu fiiriyey, fariinta ayuuna akhriyey.

Canab waxa ay ku tiri; “Aboowe Fariinta waad ku mashquushaye wax dhib Miyaa jira?”

Cali Fariinta uma uusan Jawaabin Cayuuni, oo waxa uu u jawaabay Canab kuna yiri; “Qaali wax dhib ah ma jiraan, Lacag ay Hooyo i dhahday meel u dir ayaan u diray ayaa Fariinta la ii soo diray, taasi oo aheyd mid bank laga dirayo”

Canab: “Haa Masha allah haye qaali waqtiga loo fadhiisan lahaa ayaa la gaaray ee ina sii wad aan gudaha u galnee fasalka”

Cayuuni waa ay fahamtay inuu akhriyey Cali fariinteeda, uuna ka qariyey Canab, kadibna waa ay ka tagtay oo fasalka imtixaanka lagu galaayo ayey gashay.

Teleefoonada oo idil waa ay wada damiyeen ardayda, oo waaba loo sheegay inay damiyaan

Kursi walba Waxaa ku qoran ardayga Magaciisa iyo ID-ka Imtixaanka lagu galaayo.

Cayuuni iyo Cali inay isku dhawaadaan dhanka Kuraasta, qeybta gabdha iyo Qeybta wiilasha kuraasta kala qeybisa ayey kala fadhiyaan.

Imtixaanka ayaa bilawday.

Saacado kadib

》 Imtixaanka waa ay kasoo wada baxeen labada maado oo u kala dhaxeysay 15 daqiiqo.

Cayuuni oo is-dhaheysay waxaad is-raaceysiin Cali, balse ma aysan noqonin oo Cali iyo Canab ayaa is-raaceen.

Cayuuni oo isla Hadashay ayaa tiri; “Waxba uma arko Balse waa jaanis kale oo aan ku kala weecin karo labadooda, hadda aniga waan iska tagayaa balse inta aan jidka ku jiro fariimo badan ayaan usii diri doonaa”

Cayuuni keligeeda ayaa soo aaday Guriga, balse inta ay jidka kusii jirtay Cali waxa ay u dirtay labo Fariimood oo kala duwan, una dhaxeysay Daqiiqado.

Cali iyo Canab oo isla Socday waxa uu Cali fiirinaayey Fariimaha ay Cayuuni usoo dirtay. Halka Canab dareemeysay in uu wiilka teleefoonka ku mashquulay.

Canab: “Aboowe Macaane Maantay Maxaa kaa qaldan, Saakay Fariin ayaa laguu soo diray, Haddana fariimahaaga iska soo daba dhacaya”

Cali: “Abaayo Qaali wax dhib ah ma jiraay op Guriga ayaa la iga soo wacayaa, fariin ayuu aabbe ii soo diray fiirinaayey”

Cayuuni Fidno wade ayey noqotay.

Canab: “Haye aboowe hadda Gurigeyga waan imid, adiguna Aabbe ayaa kuu baahan ee dhaqso u aad”

Canab Miskiin warmooge ah

Cali: “Haye qaali insha allah waan kusoo waci doonaa, imtixaanka iska diyaari ee haka mashquulin”

Canab: “Haye macaane sidoo kale adne wax iska Akhri”

Cayuuni Guriga ayey kaga hor Tagtay, kadib qolkeeda inta ay gashay, ayey teleefoonka ka wacday Cali.

Cali oo kasoo tagay Canab, ayuu arkay Teleefoonkiisa oo dhacayo, waaba gabadhii Caaisho isku sheegtay, Waa uu ka qabtay Teleefoonka.

Cayuuni Codkeeda ayey badashay: “Haye aboowe Iiwaran, Maantay Fariimahaaga mana arkin”

Cali: “Masha allah waan Fiicanahay, Maantay adigaa i mashquulinaayey, balse codkaada aan maqlo maantay waa markii ugu horeysay”

Cayuuni: “Oo Mala Hubaa”

Cali: “Haa abaayo Caaisho”

Cayuuni: “Laakiin maantay waad iga mashquushay”

Cali: “Haa Abaayo maantay imtixaanka ayaan ku mashquulsanaay”

Cayuuni: “Maantay dhawr mar ayaan ku arkay, oo isku fasak ayaan imtixaanka ku galeynay”

Cali: “Adiga Muuqaalkeyga waad taqaanaa Balse aniga kuma aqaano,Inaa ku arko ayaan rabaa beri waa inaa ku arkaa”

Cayuuni: “Aboowe Horta imtixaanka ha dhamaado markaasi waad i arkeysaaye”

Cali: “Haye abaayo, haddana waan daalanahay qeyr badan”

Cayuuni: “Insha allah sidoo kale qeyr badan kuu rajeynaa”

》Maalmaha Imtixaanka uu socdo Maalin walba waxaa subaxdii isa soo raaca Cali iyo Cayuuni,  marka uu soo dhamaado imtixaanka maalinkii waxaa isa sii raaca Cali iyo Canab.

Cayuuni marka ay guriga usii socoto eena ah Maalmaha imtixaanka waxa ay fariimo ku wareerisaa Cali, iyada oo dooneysa inay Canab ka shakiso Cali oo ay isla socdaan.

》 Maalintii ugu dambeeyey Imtixaanka oo la maraayo, waxaana la wada joogaa Goobta

imtixaanka, daqiiqaeo ayaana ka harsan imtixaanka, Canab oo ay isla joogaan Cali waxa ayna  ku dhahday: “Aboowe Teleefoonkaada ii Dhiib, Hooyo ayaan ka wacanayaa”

Cali: “Abaayo waan kuu dhiibayaa, laakiin Midkaadi aaway”

Canab oo been lagu aqoonin waxa ayna ugu jawaabtay; “waaba sababta aan hooyo u wacanaayo”

Cali: “Haye abaayo waa kanaa ee Hoo”

Canab marka loo dhiibay Teleefoonka waxa ay u baxday gees, kadibna waxa ay isla durbadiiba fiirisay Qeybta Fariimaha, waxa ayna aragtay lambar ay ku qoran tahay “Caaisho”, dhamaan fariimaha ayey akhrisay, kadib waxa ay eegtay wacitaanka, waxa ayba aragtay Wacitaanka Lambarka Caaisho, daqiiqadaha uu la hadlaayey ayey fiirisay, waxa ayna aragtay daqiiqado badan inuu la hadlo, iyada oo teleefoonka heysata ayaa la yeeriyey Gambaleelka oo waxaa la gaaray waqtiga fasalka la geli lahaa.

Canab oo qeyb ka mid ah shaki dareentay ayey isla hadal yar gashay, “Gabadhaan caaisho la yiraahdo Tolow yey Noqon doontaa, balse waa inaa soo ogaadaa waxa ay tahay iyada”, isla hadal kadib fasalka ayey gashay, Cali Teleefoonkiisa ayey siisay, kadibna Kurisigeeda fadhiisatay.

Saacado kadib.

Imtixaanka waa uu soo dhammaaday.

Cayuuni marka ay kasoo baxday fasalka waxa ay dhex-gashay asxaabteeda iskuulka isla dhiganaayeen oo meesha joogay.

Cali iyo Canab farxad awgeeda ayey Hab isa siiyey, Balse ardatda oo idil ayaa soo wada eegay kana yaabay sida Kalsoonida leh ee ay hab isku siiyeen.

Cayuuni ayaana maqashay Cali iyo Canab inay isa siiyeen, Balse waxa ay go’aansatay inay fariin u dirto Cali, inta ay qortay ayey u dirtay.

Canab iyo Cali oo ay isla joogaan waxaa soo yeertay Fariin kusoo dhacday Teleefoonka Cali. Waa uuna fiiriyey, waxa uu arkay inay Caaisho usoo dirtay fariin, ma uu akhrinin, sheekada ayuu canab lasii waday.

Canab: “Shimbirha Maalmahaan Dambe Qeyladooda badatay, malaha Xayawaan Ka awood badan oo ka qeylsiiyo ayey arkeen”

■ Sarbeeb.

Cali: “Hadalkaasi waxaba kama fahmaayo abaayo ee i fahamsii”

Canab: “Shimbiraha Qeyladooda waa la soo ogaan doonaa, ha u bixin waa iska dhahaayey”

■ Caqli Saliim ah

Cali: “Haa haye qaali, Maantay farxad iima harsana, insha allah Beri dambe oo ah Jimco waa inaa Xeebta isku imaanaa”

Canab oo baritaano raadineysa ayey ku tiri: “Haye Macaane insha allah, haddana guriga la iga baahan yahay Qeyr badan”, waa ayna kasoo tagtay Goobtii imtixaanka lagu galaayey.

Cayuuni oo Nasiib ku heshay Cali inay usii raacdo Guriga, waana markii ugu horeysay Cali ay usii raacdo Guriga inta uu socday Imtixaanka.

Cali iyo Cayuuni waa ay isa soo raaceen, inta ay jidka ku wada jireen kaftan iyo ka sheekeysiga arimaha jacaylka ayey guda galeen.

Cayuuni oo teleefoonka gacanta ku heysata ayey fariin u dirtay Cali una qortay sidaan; “Maantay aad ayaad u faraxsan tahay, aniguna sidoo kale, waayo jidka aad mareysid kama dheeri oo waan kula agjoogaa”, marka ay u dirtay kadib telka waa ay damisay.

Cali ma uusan dareemin inta ay qoreysay Fariinta Cayuuni.

Cali fariintio ayaa usoo dhacday, waa uu arkay oo uu Akhriyey, kadib ayuu fikir galay.

Cayuuni ayaa dareentay inuu fikir galay, kadib ku tiri: “Haye Cali waad baxdaye intee qabatay, maxaa soo kordhay”

Cali: “Arin ayaan rabaa inaa kuu sheego, iskuna day inaad i caawiso, horta aan tagno Guriga anigaa kuu sheegi doonee”

Warmooge lagu dul Dheelaayo.

Xoogaa kadib Cali iyo Cayuuni guriga ayey yimaadeen.

Cali iyo Cayuuni waxa ay Fadhiisteen Darjiinka, iyaga oo fadhiya waxaa u yimaadeen Gabdhaha Cali la dhashteen.

Cali: “Gabdho jaanis ina siiya aniga iyo Cayuuni waxaa rabnaa arimo ka hadalno”

Gabadhaha cali la dhashteen waa ay ka tageen Cayuuni iyo Cali.

Cali: “Abaayo Cayuuni waxaan sameeyo ayaan garan la’ahay”

Cayuuni: “Maxaa waaye waxa aad sheegeyso”

Cali teleefoonka ayuu furay kadibna fariimaha Ayuu tusiyey.

Cayuuni oo Jiliinkeeda sii wadata ayey ugu jawaabtay: “Aboowe Caaisho ayaan arkaa oo fariimo Jacayl kuu soo dirtay, ee yaa waaye gabadhaan, adiga iyo Canab ma kala Harteen”

Cali: “Maya waan isla Soconaa Canab, Balse gabadahaan Caaisho ka yiraahdo waaba gabadh aad iyo aad ii soo xiriirisa kana Badan inta ay isoo xiriiriso Canab, saacad walba ama waqti walba fariin ayey ii soo Dirtaa, Meel ay ka keentay Lambarkeyga ma aqaano, Weli maan arkin wejigeeda, sida ay igu sheegtay xilligii imtixaanka socday ay ku galeysay imtixaanka Fasalka aan annaga ku jirnay, wallaahi waxaan sameeyo ma aqaano, adiga garab isii sidaan yeeli lahaa Gabadhaan Caaisho la yiraahdo”

Cayuuni oo gashay isla hadal tirina: “Aaheeya Aaheeya Aaheeya waanba saan rabay, waa inaa dhahaa garab ayaan ku siinaa si aan ugu dhawaado” isla hadal kadib, waxa ay ugu jawaabtay: “Wallaahi waa arin adag balse aniga garab waan ku siinayaa wax walba oo aad iga baahan tahay diyaar waaye aboowe”

Hooyada cali ayaa Kor kasoo eegtay Cali iyo Cayuuni oo isla hadlaya, waxa ayna niyada ka tiri; “Wallaahi Gabadha aan habaryarta u ahay waa gabadh fariid ah, taqaano sida loo soo xero geliyo ragga, insha allah waan u guurin doonaa kolka ay toos usoo xero geliso”

Cali: “Aad iyo Aad ayaad y mahadsan tahay abaayo, laakiin hadda talo noocee ah ayaad isiin laheyd”

Cayuuni: “Aboowe Labada gabdhood ee kala ah Canab iyo Caaisho waa inaad ogaadaa mida dhab kuu jecel adne aad u jeceshahay sida dhabta ah, balse ruux aad ka dheer tahay oona kor kaa jeclaaday weliba aan si fiican ku dhex-gelin kaasi si fiican u tijaabi, waayo Canab horaa u tijaabisay, caaisho iyaduna tijaabi, laga yaabe labaduba inaad wada guursato”

Cali: “Aad iyo Aad masha allah Talo wanaagsan, wallaahi fikir wanaagsan ayaad isiisay oo waxaad iga dulqaatat Culeys isaarnaay, haye abaayo inoo markale”

Cayuuni: “haye aboowe”

 

“Ruuxa Bani’aadamka ah waxa uu leeyahay Hal Qalbi, Labo qof qalbigiisa Hoy ugama wada dhigi karo, Ninka xittaa haddii uu afar xaas qabo waa Hubaal Hal Naag ayuu aad u jecelyahay si Dhab ah”

 

“Meel lagaa Necebyahay haddii aad joogto, waxaad heleysaa Meel lagaa jecelyahay ee orod oo aad”

 

“Ha sameynin oo hana ku haminin inaad isku dirtid ama kala geysid Labo Ruux oo is-jecel”

 

Cayuuni aad ayey ugu faraxday inuu Cali weydiisto Garab oo ay u aragtay soo dhawaasho inay ka heleyso xagiisa.

Cali ma oga gabadha caaisho la dhaho in ay tahay Cayuuni ee Habaryartiisa dhashay.

Cayuuni waxa ay heysataa Labo Lambar kaasi oo mid Cali ku wareerisa midka kalena waa kan ay wada yaqaanaan waalidkeeda, walaalaheeda iyo Cali cidooda.

 

La soco Qeybta Xigta

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *