Q12: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Maalintii xigtay. Cayuuni iyo Cali Hooyadiisa ayaa wada kulmeen Xilli Aroor ah(Subax ah),oo arinta Cali ayey ka wada Hadleen.

Cali Hooyadiisa: “Haye Gabadheyda wax walba oo xalay dhacaayey waan la socday, ee shaqadaaduna waxaad u qabsaneysaa si Wanaagsan”

Cayuuni: “Haa habo, laakiin waxaan ka baqayaa hadhowdi inaa si dhab ah aniga ku jeclaado isaga, taasina kawaran?”

Cali Hooyadiisa: “Gabdheyda Markaasi anigaa Xalim doonee Horta kasoo weeci Canab oona usoo weeci xagaada”

Cayuuni: “Haye habo insha allah”

Cayuuni waa ay kasoo tagtay Hooyada Cali, kadib waxa ay aaday Iskuulkooda, illeyn waqtiga iskuulka la aadayey ayaa la gaaraye.

Cayuuni oo Albaabka kasii Bixi rabta waxa ay aragtay Cali oo raadinaya Buug uu leeyahay, Kadib inta ay u tagtay ayey tiri; “Haye aboowe maxaa kaa maqan?”

Cali: “Waxaa iga Maqan Buug aan xisaabta ku qoran jiray’

Cayuuni: “Aboowe Buugga yaala Qolka Fadhiga adiga miyaa leh, waxaanba is-dhahay buugaasi waa uu iska Badalay”

Cali: “Haa sax waad isoo xusuusisay, oo shalay galab ayaan ugi soo tagay, abaayo mahadsanid”

Cayuuni: “Adigaa mudan aboowe” waa ayna kasoo tagtay una baxday Banaanka si ay u aado iskuulkeeda.

Cayuuni Baskii iskuulka ayaana qaaday.

Cali isaguna iskuulkii ayuu aaday.

Saacado kadib

Cayuuni waxa ay Fariin u dirtay Cali, waxaana u qorneyd sidaaan; “Waan Ku Salaamay Wadnaheyga, Sidee ii Tahay”

Cali oo xiisadda ku jira ayaa arkay Fariin loo soo diray, marka uu eegay waxa uuba arkay Lambarka usoo diray oo ku qoran “New My Heart” kadibna fariinta ayuu aqriyey, waxa uuna isku yiri Micnaha isla hadlay: “Tolow yaa waaye Qofka Fariintaan ii soo diray, haddana ku qoran (New My Heart), Aniga kuma qoranin lambarkaan teleefoonkeyga, Balse waa inaa ka sal gaaro oo aan la jilo waxa uu rabo, si aan u ogaado ruuxa uu yahay”

Cali waxa uu ugu jawaabay sidaan: “waan kaa qaaday Salaanta, Masha allah waan kuu Fiicanahay, adiguna ii waran”

Cayuuni: “Masha allah aboowe waan kuu ladanahay, Ee warkaada Keen waxaana filayaa inaad Xiiso ku jirto”

Cali: “Haa abaayo xiisad ayaan ku jiraa, Laakiin Qofka aad tahay ilaa hadda waan Fahmi la’ahay”

Cayuuni: “Aboowe waxaan ahay Qof aad iyo aad kuu Jecel oona si Xad dhaaf ah, kuuna baahan waxaana rabaa inaad wax ila qabato”

Cali: “Ma Xuma Jacaylkaaduna keligaa ayuu ku egyahay, balse sida lambarkeyga ku heshay weliba lambarkaada igu qortay (New My Heart Love) ayaaba Garan la’ahay”

Cayuuni ayaa ugu jawaabtay sidaan: “Aboowe waa Beelo yaaba heli Karo hadiiba aad igu qoratay (New My Heart) teleefoonkaada, aniga Xilli Habeen ah ayaan kusoo wacay, waxaadna i dhaheysay Saa’id ayaad u daalanay, marka waxaan u maleenayaa inaad sidaasi ku qoratay, haddiiba sida ugu fudud ivu aqbashay Aniguna waan ku aqbalay qaali (My Heart too) ayaan ku leeyahay”

Cali oo ku mashquulsan teleefoonka, waxaa arkay Macalinka, xiisada ayuuna ka saaray.

Cali markii banaanka loo saaray waxa uu galay Fikir oona is-weydiiyey “Tolow Gabadhaani sideen yeelaa, waana gabadh aad u wanaagsan, sida wacan oo fariinteeda igu soo jawaabeysay ayaan ka helay, balse weli waxaanba garan la’ahay, sida aan teleefoonkeyga ugu qoray Lambarkeeda ereyga (New My Heart)”

Cali isla hadal kadib waxa uu go’aansaday inuu Xaafadda u tago sida ugu dhaqsiyaha badan, waayo waxa uu dareemay Xoogaa Madax xanuun.

Cayuuni oo mar kale u jawaabtay sidaan: “Aboowe Fariintaada ma arkee miyaad mashquushay, haye ok hadiiba aad mashquushay Caawa kula soo hadli doonaa”

Cali oo jidka socda ayaa arkay Fariinta teleefoonkiisa kusoo dhacday, waa uu aqriyey, kadib waxa uu ugu jawaabay sidaan: “abaayo Haa waan mashquulay, marka qeyr badan”

Cayuuni Fariintii ayey aqrisay, kadibna isla hadashay oona isku tiri; “saan filaayo Wiilka waxaan ku Abuuray Shaki iyo Fikir, Balse aan arko halka ay ku dambeyso fikirkaasi iyo shaki kaasi”

Saacado kadib

Cayuuni Guriga ayey timid Balse teleefoonkeeda waxa ay ka xiratay Silent(Codka ayey jartay), illeyn Cali isku guri ayey joogaane.

Cayuuni marka ay timid oo qolka gashay, kadibna waxa ay gashay Kushiinka(Jikada) waxa ayna soo qaaday Qadada Wiilasha oo ay u geysay Qolka Fadhiga.

Cali Hooyadiisa ayaa aragtay Cayuuni oo Hawsha Guriga horay ka qabatay markay timid.

Cayuuni sidoo kale Hooyada cali waxa ayna u geysay Qadada.

Cali marka uu soo qadeeyey kadib, waxa uu galay qolka.

Cali hooyadiisa ayaa u yeertay Wiilkeeda Cali, marka uu u yimid waxa ay weydiisay waxa ku dhacay oo xiisadda dhaqso ugu yimid.

Cali: “Hooyo Madaxa ayaa i Xanuunay sidaasi ayaan u imid”.

Cayuuni ayaa maqleysa hadalka Cali ee uu dhahay.

Cali Hooyadiisa: “Haye wiilkeygow, ee orodoo Cayuuni iigu soo yeer, kadibna iska gal qolkaada”

Cali waa uu kasoo tagay Hooyadisa, kadibna Cayuuni ayuu ku dhahay Hooyo ayaa kuu yeereysa, kadibna qolkiisa ayuu galay.

Cayuun waxa ay u tagtay Hooyada Cali, waa ayna wada sheekeysteen.

Cayuuni: “Wiilka madax ma xanuuneynin ee qorshaheyga ayaa madax wareeriyey”

Cali Hooyadiisa: “Haa oo sidaasi miyaa Sheekada maanan u fahmin, Haye gabadheyda shaqo wacan.

Cayuuni waa ay kasoo tagtay Hooyada Cali oo waxa ay gashay Qolka Gabdhaha….

Saacado kadib

Cali waxa uu teleefoonka ka wacay Canab.

Canab teleefoonka waa ay ka qabatay, kadibna is-xaal wareysteen.

Cali: “Haye qaali firaaqo miyaa tahay, waxaan ku dhihi rabay qadka soo gal.

Canab: “Haa qaali haddaan soo galayaa”

Cali iyo Canab qadka ayey soo wada galeen, waxa ayna guda galeen Wada sheekeysi.

Cali: “Muxibadaan kuu qabiyo Muunadaada wacan inaa Daawado kama Daalo, Dhamaan waaxyaha jirka oo idil adigaa iska Maamushoo kuugu qoray Qalbiga Keligaa”

Canab: “Hankeygu kan uu raacay, heybadiisa wacan, kan doortay oo aan u hibeeyey Nolosheyda oo idil Wadnaha keli baad ku tahoo, nolosheyda kuugu Xiran tahay adigaaa”

Cayuuni ayaa qadkana soo Gashay, kadibna waxa ay gashay Whatsappka, waxa ayna raadisay Lambarka Cali, kadibna waa ay heshay, waxa ayna u qortay “Asc Aboowe Macaane ii waran”

Cali oo Canab la sheekeysanaya ayaa Arkay Fariin loo soo diray, waa uu fiiriyey, waxaaba uu arkay teleefoonkii gabadhii iskuulka fariinta usoo direysay oo qadkana fariin ugu soo dirtay, una yusan jawaabin, oo la sheekeysiga Canab ayuu sii waday.

Cayuuni ayaa fariin kale u dirtay oona u qorneed sidaan; “Gabadh wiil jacayl u qaatay oo haddana waxba u qabaneynin, taasi soo dhibaato ma ahanoo, waayo Dumarka iyagaa la jeclaadaa, balse aniga waan ka duwanahay oo adigaa ku jeclaaday, Ma Joogi karo haddii aan adiga ku arag ama aan kula hadlin, Runti si dhab ah ayaan kuu jeclahay, wax ila qabo, wax ila qabo, wax ila qabo Caliiiiiiiiiiiiiiiiiii

Cali ma uusan u jawaabin Fariinta Cayuuni oo waa uu iska indho-tiray.

Canab iyo Cali wax badan marka ay wada sheekeysteen waa ay is-macsalaameeyeen.

Cali qadka kama uusan bixin, balse waxa uu iska saaray Offline(Si aan loo arkin inuu Qadka ku jiri), kadib waxa uu fiiriyey Fariintii gabadha kale.

Cali marka uu akhriyey waa uu ilmeeyey, balse waxa uu ugu jawaabay sidaan: “inta aadan i jeclaanin sooma nooleyn, waxaasi inaad iska dhaaftid jacaylka aad sheekeyso la laabo abaayo”

Cayuuni oo aan qadka ka bixin soona jeeda ayaa aragtay fariinta Cali, marka ay akhrisay kadib ugu jawaabtay; “Dadaalaa ayaa Hamigiisa gaara, aniguna adigaan ku jeclahay, dhib walbana waan usoo marayaan saan kuu heli lahaa, alle ka sogow qofna igaama hor istaagi karta, taasi waa balan aan aniga kaa qaaday, waxaadna arkeysaa labadeenna oo is-guursaday, Xabiibi Nafteyda waa adiga, haddii aadan adiga i jecleyn anigaa ku jecel, ii ogolow inaa yeelano xiriir walaaltinimo ama saaxiibtinimo xaataa, ama waqti isii si aan u cadeeyo inaa si dhab ah kuu jeclahay”

Cali oo la dhacay Hadalka iyo sida kalsoonida ku dheehan tahay oo ay ula hadashay cali, kadibna waxa uu ugu jawaabay, “Haye abaayo Waqti ayaan ku siinayaa, saaxiibtinimo keliya ayaan kuu ogolahay, balse shuruudeydu waxaa waaye Magacaaga inaad ii sheegto”

Cayuuni oo xoogaa yar aamustay, kadib ku tiri: “Aboowe magaceygu waxa la dhahaa Caaisha”

Magac Been ah loo DhiibayKKKKK

Cali: “Haye Caaisho, kuna soo dhawoow gacmo furan oo saaxiibtinimo ah”

  • Habkii Canab looga soo weecin lahaay ayuuba usii fududeeyey

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *