Chelsea Oo Gaartay Guusheedii Saddexaad oo Xiriir ah

0

Kooxda Chelsea ayaa si dhab ah iskula jaan qaaday, waxaayna gaartay guushii saddexaad ee xiriir ah ee dhammaan tartamada iyagoo galabta 4-1 kusoo karbaashay Burnley oo ay marti u ahaayeen.

Kooxd Chelsea oo dhibaato badan laga muujinayey xilli ciyaareedkaan, ayaa waxay afar gool ka daba keentay Burnley oo gool kaga naxsatay qaybtii hore, waxaana libinta maanta sabab u ahaa Raheem Sterling, Palmer iyo Nicolo Jackson oo kasoo laabtay ganaax hal kulan ahaa.

Daqiiqadii 15-aad ee bilowga ciyaarta ayaa qalad ay sameeyeen difaaca Chelsea, gaar ahaan M. Cucurella waxa ka faa’iidaysatay Bunley oo uu hogaanka u dhiibay Wilson Odobert oo kubad uu goolka hortiisa ka helay si fudud u dhaafiyay goolhayaha Chelsea oo aan xataa is dhaqaajin.

Goolkaan ma noqon mid sii waara, sababta oo ah Chelsea ayaa si weyn u maamulaysay ciyaarta, waxana ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada ay ku qasbeen Burnley in ay difaaceedu iska dhaliyeen goolka barbarraha siiyey Blues.

Kubad uu dhanka bidix ka keentay Raheem Sterling ayaa waxa shabaqiisa ku leexiyey difaaca reer Belgium ee Ameen Al Dakhil, waxa aana lagu kala nastay 1-1 ay sarraysay niyadda Chelsea ee ay caawisay soo laabashada iyo in ay ku awood roonaayeen gacan ku haynta kubadda.

Marka lagu soo noqday qaybta dambe ee ay toban daqiiqadood socotay ayaa Chelsea loo dhigay rikoore kadib Raheem Sterling oo dhanka bidix kala soo galay kubadda uu dhulka ku tuuray xiddiga Vitinho oo illoobay in uu ku dhax jiro xerada ganaaxa ah.

aalada VAR oo laga soo hubiyey ayaa damaanad qaadday in rikoore la siiyo Blues oo aanu garsooraha dhexe ku qaldanayn in uu si deg-deg ah Chelsea ugu go’aamiyo in ay rikoore qaataan, waxa aana rikooradaas gool u beddelay saxeexa cusub ee Palmer.

Intaasi wixii ka dambeeyey, Chelsea ayaa awoodeeda sii kordhisay, si ay saddexda dhibcood ee muhiimka ah u xaqiijisato, waxa aana goolka saddexaad u dhaliyey Raheem Sterling oo dhabarka saartay masuuliyadda kooxdiisa ee kulankii maanta, isla markaana labada gool ee hore midna ku qasbay in ay iska dhaliyaan difaaca Burnley, midka kalena lagu galay rikoore.

Ciyaarayahanka reer Senegal ee Nicolo Jackson oo beddel kusoo galay ciyaarta kadib ganaax uu ku maqnaa kulankii hore, ayaa waxa uu dhaliyey goolka afraad ee Chelsea oo sidaas ku xaqiijisatay guushii saddexaad ee xiriir ah ee dhamaan tartamada.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Chelsea ay yeelatay 11 dhibcood, waxayna soo gashay kaalinta 11-aad ee horyaalka Premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *