Jude Bellingham Oo Ku Goolal badsaday Osasuna Iyo Real Madrid Oo Sii Dheeraysatay Hoggaanka Horyaalka LaLiga

0

Kooxda Real Madrid ayaa sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka  LaLiga, kaddib markii ay 4-0 ku garaacday Osasuna oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabeu, halkaas oo Bellingham uu ku muujiyey inuu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee Los Blancos.

Xiddiga Jude Bellingham ayaa laba jeer soo taabtay shabaqa, waxaana uu sii kordhistay hoggaanka goolasha horyaalka LaLiga oo uu siddeed gool ka dhaliyey sagaal ciyaarood oo ay dheeshay kooxdiisu.

Real Madrid oo ka walwalsanayd difaac la’aan ku habsatay oo ay sababeen dhaawacyo soo gaadhay David Alaba iyo Eder Militao oo uu u raacay Nacho Fernandez oo sadde kulan oo horyaalka ah laga ganaaxay kaddib markii uu qalad aad xun sameeyey ciyaartii Girona, ayaa waxa difaaca dhexe uu Carlo Ancelotti geeyey xiddiga Aurelien Tchouameni oo uu garab taagnaa Antonio Rudiger oo ah laacibka kaliya ee difaaca dhexe ah ee kooxdu ay haysatay.

Daqiiqaddii 9-aad ayuu Jude Bellingham ciyaarta ku furay gool qurux badan oo uu ku dhaliyey lugta bidix, kaddib kubbad uu kasoo shaqeeyey Luka Modric oo usii dhiibay Dani Carvajal oo isaguna xerada ganaaxa uuso dhigay Bellingham oo saddex difaac ah dhexdooda ka dhaliyay.

Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee ka dhashay qaybta hore, hase yeeshee markii la isku soo noqday waqtiga nasashada ayay Real Madrid culays badan oo aan nafis lahayn saartay Osasuna oo ku hafsatay sidii ay iskaga joojin lahayd daadka ku socda.

Jude Bellingham ayaa kubbad uu kasoo qaatay khadka dhexe, waxaa uu u dhiibtay Fede Valverde oo xerada ganaaxa bannaankeeda taagan, waxaana uu laacibka reer Uruguay kubadda kasii dhax-saaray laba difaac iyadoo Bellingham uu cidlo ka qaatay, kana dhax-saaray lugaha goolhayaha Osasuna.

Intaas kuma aanay si ekaynin Real Madrid hase ahaate Vinicius Junior ayaa la wareegay masuuliyadda dhalinta goolasha, maadaama uu kasoo laabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa, isla markaana labadii ciyaarood ee uu soo laabtay aanu fursad u helin inuu shabaqa gaaro.

Daqiiqaddii 65-aad ayaa kubbad uu Valverde difaacyahannada u dhaafiyey waxa uu Vinicius Jr ula tegay goolhaye Herrera oo uu dhinaca midig ugu gooyey, ka dibna lugta bidix ku dhamaystiray.

Shan daqiiqadood kaddib ayay Los Blancos keentay goolka afaraad oo uu dhaliyey Joselu oo goolka hortiisa uu kubadda usoo dhigay Vinicius Jr oo difaacyahannada Osasuna ugu xoog-sheegtay kubbad ay boobayeen, waxaana si fiican uu dhameystiray laacibka reer Spain.

Real Madrid ayaa waxa ay yeelatay 24-dhibcood oo ay ka uruursatay sagaal ciyaarood oo horyaalka ah oo ay dheeshay, waxaana ku xigta Girona oo 1-0 kaga badisay Cadiz oo haysata 22 dhibcood, halka Barcelona oo Axadda ciyaari doonto ay ku jirto saddexaad Waxeyna leedahay 20 dhibcood.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *