McTominay Oo Wakhtigii Dhimashada Guul Soo Laabasho Leh Ku Hogamiyaay Manchester united

0

Kooxda Man United ayaa guul soo labasho leh ka gaadhay Brentford kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsnaa horyaalka premier League.

Ciyaartan oo kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Man United, Marcus Rashford oo uu culays badan saarnaa ayaa kubbado badan khasaariyey isaga oo dhawr jeer bannaanka ka toogtay kubadda.

Erik ten Hag ayaa daqiiqaddii 87aad ciyaarta soo geliyey Scott McTominay oo noqday geesiga ka fujiyay kooxdiisa,waxa unaa uu keenay labada gool.

Daqiiqaddii 93-aad oo uu socdo waqtiga dheeraadka ah ayaa waxa uu McTominay xerada ganaaxa ka helay kubbad uu dhinaca midig ka dhigay goolhayaha Brentford oo uu dhulka u raaciyey, waxaanay sidaas Manchester United niyadda ku gashatay in ay hal dhibic ka helayso ciyaarta.

Garsooraha oo bixiyey fursaddii ugu dambaysay ee ciyaarta oo ahayd koorne lasoo laaday ayaa waxa madax la helay McTominay daqiiqaddii 97-aad, waxaana ciyaarta lagu soo dhameeyey dabbaal-deggii ay ciyaartoyda Manchester United ku jireen.

Red Devils ayaa guushani ay ka badbaadisay in ceeb weyn oo aan hore u dhicin loogu diiwaangeliyo garoonka Old Trafford oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo waliba xidhiidh ahaa lagu garaacay iyadoo aanay u dhaxaynin kulan kale oo ay bannaanka u baxeen, waxase fadeexadda ka badbaadiyey Scott McTominay.

Libintan ayaa ka dhigan, in Man United ay soo gashay kaalinta sagaalaad oo ay yeelatay 12 dhibcood, waxaa ayna hal dhibic dhaaftay Chelsea oo sare usoo kacaysay kulamadii uu dambeeyey.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *