Sheeko Gaaban: NIN NAAGTIISA DILAY

0

Nin ayaa Qoys gabadh ka guursaday, marka uu laba bilood qabay ayey ka carartay, waa la waayey meel alaala meel ay aadayba, markaas ayuu u tegay reerkii uu ka soo guursaday, kadib ayuu ku yiri: “gabadhii ma aragteen waan waayey’. markaas ayey ku dhaheen: “gabadheenii baan kaa rabnaa?

Is-qabqabsi kadiqagarsooraha magaalada ayey u dacwoodeen oo waxa ay ku dhaheen: “ninkaan gabadh buu naga dilay”, Garsoorihii ayaa ku dhahay: “keena markaahtiyaal afar ah”, kadib waa ay u keeneen afaryii markhaatiga noqon lahaa; goortaasaa ayuu garsootihii ku xukumay ninkii lasoo dacweeyey labaatan sanno oo xarig ah. Muddo kadib Labaatankii marka uu soo dhammaystay ayuu gurigiisii yimid, markaas ayuu ku arkay magaalada naagtii loo xiray darteed, inta uu soo qabtay ayii dilay. xoogaa kadib axaa dacwad labaad dacweeyey Aabbaheed, waxa uu u tagay garsoorihii, waxa uu ku yiri: “garsoore ninkaanu gabadh buu iga dilay” Garsoorihii baa yiri ninkii dacwada loo heysto: “ma dishay gabadhaas” Ninkii ayaa yidhi: garsoore waan dilay gabadhaas, waase tii aad labaatanka sanno igu xirtay hadda ka hor”

markaas ayaa garsooraha yiri odaygii: “dambi ma leh ninkaan ee iska fasaxa”

Dhamaad.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *