Manchester United Oo Lagu Garaacay Old Trafford & Arsenal Oo Guul-darro Loo Xambaariyey

0

Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee Man United iyo Arsenal ayaa guul-darrooyin isku mid ah ay kasoo gaadheen kulamadoodii Caawa tartanka Champions League, waxaana dhulka dhigtay oo min 3-dhibcood ka qaatay Galatasaray iyo Lens.

Kooxda Manchester United ayaa guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah kala kulantay tartanka champions League.

Man United ayay murugo kale ku habsatay, waxaana 3-2 ku garaacday kooxda reer Turkey ee Galatasaray oo marti ugu ahayd Old Trafford.

Manchester United ayaa la hormartay gool uu qaybtii hore u dhaliyey saxiixoda cusub ee Rasmus Hojlund, hase yeeshee waxa si degdeg ah uga jawaabay Zaha Daqiiqadii 23-aad kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Rasmus Hojlund ayaa mar kale Manchester United hoggaanka usoo celiyey daqiiqaddii 67aad gool labaad u dhaliyey, balse waxa mar kale u jawaabay Wilfried Zaha oo natiijada ka dhigay 2-2 ka hor intii aanu xiddiga reer Argentina Mauro Icardi goolka guusha u dhalin Galatasaray dhamaadka ciyaarta oo ay 10 daqiiqadood ka hadhsan tahay.

Dhanka kale Kooxda Arsenal ayaa guuldaradii ugu horaysay kala kulantay tartanka champions League xilli          ciyaareedkan.

Kooxda LENS ayaa garaacday Gunners kulan xiiso lahaa oo ay kooxda reer France si fiican u ciyaartay balse laga badiyay.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *