Real Madrid Oo Napoli Ka Gaartay Guul Soo Laabasho Leh

0

Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay kooxda Napoli kulan ka tirsanaa kulamada 2-aad ee wareega Group-yada tartanka xiisaha badan champions League.

Napoli ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay Real Madrid ku qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal iney ku dhaliyaan.

Daqiiqadii 19-aad ayay Napoli dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Leo Ostigard kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Real Madrid ayaa bilowday in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay doonayeen in ay ku soo laabtaan ciyaarta xilli ay samaynayeen fursado aad uu halis badan.

Daqiiqadii 27-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay hogamiyahoda Vinicius Jr kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1

Los Blancos ayaa halkaas ku joogsan waxana ay doonayeen in ay sii wataan cadaadiska ay hayaan waxana ay doonayeen in ay dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 34-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka labaad waxana u dhaliyay Jude Bellingham kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Real ku hogaaminayso.

Waxaa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Los blancos ku hogaaminayso ciyaarta kuna fiicantahay.

Qaybta dambe ayay Napoli ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay ciyaarta ku soo laabtaan waxana ay samaynayeen fursado aad uu badan.

Daqooqadii 54-aad ayay Napoli dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Piotr Zielinski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Real Madrid ayaa mar kale bilowday in ay raadiso goolal kale iyaga oo doonayay in ay dhaliyeen goolal badan.

Daqiiqadii 78-aad ayey Real Madrid heshay goolka 3-aad waxana iska dhaliyay Goolhayaha Napoli ee Alex Meret kaas oo hogaanka u dhiibay Real Madrid.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaartay guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah tartanka champions League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *