Q11: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

1

Maalintii xigtay. Habaryarta Cali, Ninkeeda iyo Ilmaha kale waa ay Baxeen, Balse Cayuuni waa ay ka hartay.

Cayuuni iyo Cali Hooyadiisa wada sheekeysi ayaa dhex-martay.

Cali Hooyadiisa: “Haye Gabadheyda aan ku Weydiiye Miyaad leedahay Xiriir Jaceyl”

Cayuuni: “Habo Waxaasi weli ma usoo jeesanin”

Hooyada Cali: “Waxaasi waan soo Marnay, aniguna Saaxiibo ayaanu noqoneeenaa gabadheyda, ee runta ii sheeg”

Cayuuni: “Hooyo waan lahaay Balse dhawr bil kahor ayaan iska xiray”

Hooyada Cali: “Haye Arin ayaan rabaa inaad ii sameyso, taasina waxa ay tahay Cali inaa la sameyso Xiriir Been ah, si aad uga reebto gabadha uu la socdo”

Cayuuni: “Hooyo inkasta oo ay dhib tahay, adiga dartaa ayaan u sameynayaa, iguna haleey inaa kasoo weeciyo Gabadhaasi”

Hooyada Cali oo niyada ka hadashay ayey tiri; “waa taas waxaan rabay, marka ay soo shaac baxdo Beentana waan isku guurin doonaa” isla hadal kadib: “Haye Gabadheyda sidaasi isku Ognahay”

Cayuuni: “Haye Hooyo”

Hooyada Cali waxa ay teleefoonka ka wacday Walasheeda wax walbana waa ay u sheegtay kana dhaadhicisay sida ay isku guurin doonaan Cayuuni iyo Canab.

Cayuuni waa Gabadh aad u Caqli badan Kaftankana aad u jecel.

Cayuuni Waxa ay Go’aansatay cali in ay mar walba oo uu guriga joogo la sheekeysato, Teleefoonkiisana ay ka qaadato marka uu guriga joogo. Si ay ula socoto fariimaha isaga iyo Canab isku diraan

Cali warmoog waaye.

Canab iyo Cali si kedis ah waxa ay ku kulmeen Waddada(Jidka).

Cali: “Haye quruxey Ii waran”

Canab: “Masha allah Sharafow waan Fiicanahay, ee adiguna sidee ii tahay”

Cali: “waan Kuu ladanahay qaali, dhabti waan kuu xiisay Macaaney”

Canab: “Gacliye aniguba waan kuu xiisay Dhabti, Haye habaryar ma ay baxday mise waa ay Joogtaa”

Cali: “waa ay Baxday, Balse gabadheeda ayey ka tagtay,  hooyo iyo Gabdhaha ila dhashtay ayaa ku dhegay sidaasi ayeyna ku joogta gurigeenna”

Canab: “Masha allah Gabadhaasi maalin waad i bareysaa sooma ahan”

Warmoogayaal iga dheh.

Cali: “Haa qaali, mar walba oo aad jeceshahay waan ku bari karaa, iyaduba sannadkaani ayey iskuul dhameyneysaa oo isku waqti ayaanu nahay, Laakiin iskuulkoodu waxa uu ku yaalaa Xaafadooda waana mid baabuur loo raaco, Bas ayey leeyihiin iskuulkooda oo xaafadda ka qaada”

Canab: “Haa Masha allah waaye, insha allah waan Baran doonaa dhawaan”

Cali iyo Canab halkaasi ayey isku kala Macsalaameeyeen oo ay ku kala tageen.

Cali Xaafadda ayuu yimid.

Cayuuni oo sugeysay imaashiisa ayaa aragtay Cali oo qolka sii Galaayo.

Cayuuni waxa ay usoo qaatay Cabitaan, waa ayna u geysay Cabitaanka.

Cali marka uu arkay Cayuuni oo biyaha u keentay ayuu yiri, “Waa markii ugu Horeysay oo Gabadh qolka Cabitaan igu keenta aniga oo aan Dalbanin, Abaayo Runti gabadh wanaagsan ayaad tahay”

Cayuuni: “Haddii Weligaa laguu keenin Hadda kadib anigaa kuu joogo oo walaashaada ah”

Cali: “Haye abaayo”

Cayuuni: “Hadda waad daalan tahay, Caawa ayaanu ku wada sheekeysan Doonaa darjiinka, aniga, Adiga iyo walaalaha kaleba”

Cali: “Haye Abaayo, inoo caawa”

Cayuuni waa ay kasoo baxday Qolka Cali. Marka ay banaanka timid waxa ay gashay isla Hadal, oo ay tiri; “Caawa waa inaa wax ka ogaadaa Xiriirka ka dhexeeya Cali iyo Canab, waana inaa dejiyaa qorsho aan ku ogaan doono xogtaasi, xaataa haddii aan si Dhab ah u Jeclaado Cali waan guursanayaa, waayo rafaad badan maba galaayo, waana farxad, isku qoys ayaanu nahay, Balse horta waa inaa soo Xero Geliyaa” isla hadal kadib waxa ay gashay Qolka gabadhaha cali la dhashteen, iyada oo u sheegtay in ay caawa wada sheekeysan doonaan dhamaan Gabdhaha iyo Wiilashaba.

Gabdhaha Cali la Dhashteen waa ay ogolaadeen in ay caawa wada sheekeystaan, waxaa kale oo ay ku heshiiyeen Cali in ay wax ka bartaan oo ku saabsan Jacaylka, maadaama uu xiriir leeyahay.

Cali waa loo Tashaday Tolow Maxaa ay ku sameym doonaan Gabdhahaasi, illeyn Dumar kuugu Tashaday Sirtaada oo idil waa ay ogaanayaan.

Saacado kadib waxaa la gaaray Xilli Habeen ah.

Cayuuni iyo Gabdhaha la dhashteen Cali waxa ay wada yimaadeen Darjiinka guriga.

Cali iyo Wiilasha walaalihiisa ah waa ay wada yimaadeen Darjiinka iyaguna.

Cayuni oo Dan leh, iyada oo rabta in ay ogaado sirtiisa ayey ka dhigtay mid aan la fahmin oo waxa ay isku wada yeertay Walaalihiisa.

Cali Weli waa Warmooge.

Cayuuni oo ah Gabadh hadal iyo Kaftan Badan, waxa ayna Tiri; “Laacibka Kubbada Cagta iyo Jacaylka Caawa waa inaad wax inaga Bartaan Wuxuu Yahay Jacaylka”

Walaalihiisa: “Haa Aboowe Hadalka Cayuuni ayaan ku raacsanahay ee wax innaga Bar arimahaasi”

Cali: “oo waaba ii soo Heshiiseen miyaa, Ok wax waa idinka Barayaa, #Jacaylka waa Mid Cajiib ah, Jacaylku Waxa uu kasoo faracmaa Waalidka oo waayo Kolkoolinta iyo Korinta ay kuugu soo koriyeen ayaad ka dhexleysaa Jacayl.

 

Jacaylku waa dareen, marxalad, hami, doonid, xaalad iyo rabitaan qof u qaado ama hayo qof kale. Sidoo kale, Jacaylku waa qadarin, sharfid, xushmayn iyo ixtiraam qoto dheer oo qof u hayo noole, shey, qof ama arin kale”

Hooyada Cali oo meel aan ka dheereyn oo istaagtay ayaa maqashay Cali oo ka hadlaayo arimaha Jacaylka, kana Heshay qaabka uu u hadlaayo, kadibna waxa soo eegtay Cayuuni, waxa ay isku Baaqeen Indhaha. Kadibna Hooyada Waxa ay ku laabatay Qolkeeda.

Cali Hadalkisa ayuu sii Waday: “jacaylka igu Badan ee dhabta ah waxa uu yimaadaa marka la is-guursado kadib, Balse Jacaylka Guurka ka hor Jacaylka yimaado waxaa waaye Is-faham iyo in la iska helo, qof qofka kale uu dareemo inuu Helay Ruuxa ugu qaalisan ama ugu Muhiimsan dhankiisa ah, mar-mar waxaa dhici karta Calaf inuu idin soo dhex-galo adiga iyo Qofka kale, taasi oo sababta Inaad guursato qof aadan is-jeclaanin ama wax xiriir ah idin soo dhex-gelin”

Cayuuni oo hadalkaasi sii dhiiro-geliyey ayey niyadeeda ka tiri; “Wallaahi wiilku waaba ka helay qaabka uu u hadlaayo, isaga ayaaba ii sii sheegaya Jidka aan usoo Mari lahaa”

Cali: ” hadalkayga waxaan kusoo xirayaa Jacaylka in uu yahay dareen qof u hayo wax kale noocuu doonaba ha ahaadee”

Cayuuni: “Haye aboowe Su’aal ma ku weydiin karaa”

Cali: “Haa abayo waad i weydiin kartaa su’aasha aad rabto”

Cayuuni: “Adiga iyo gabadha la dhaho Canab Jacaylkiina ma yahay Mid dhab ah, Yaana soo Hor bandhigtay Jacaylkiisa”

Cali: “oo adiguna ma ogeyd Canab iyo aniga inaa is-jecelnahay, Abaayo haa waa mid dhab ah jacaylka inaga Dhexeeye Canab iyo aniga, Waxaana soo Hor Bandhigtay Jacaylka aniga oo aan ka helay iyada, Markii hore waxaan isku baranay si asxaab ah, kadib walaaltinimo u badalanay, kadibna Jacayl ayaanu isku qaadnay”

Cali walaalkiisa: “Haye walaal waxaan anigana ki weydiinayaa > Jacaylka Waqtiga dheer la isla socdo ama kan waqtiga gaaban la isla socdo keebaa Wanaagsan Aboowe?”

Cali: “Waxaa wanaagsan kan Waqtiga Dheer ee la isla socda”

Cayuuni: “Adiga iyo Canab waqti dheer miyuu socdaa Jacaylkiinna, Goormee soo Gabo-gabeyneysiin”

Cali: “Abaayo waqti dheer ayaan hadda isal soconaa, laakiin waqtiga aan soo gabo-gabeyn doono alle ayaa og, balse waxaan is-dhahnay markaan aqoonta ka guul gaarno inaa is-guursanno”

Cayuuni: “kawaran haddii qof kale guirsatid, illeyn Calaf ayaa imaan karee”

Cali: “Horta alle iima keeno ruux kale, balse qadarta ama calafka ma diidayo hadii qof kale guursado”

Cayuuni Sirdoon miyaa KKKKK

Cayuuni oo hadalkaasi ka heshay, ayaa isla hadashay oo tiri; “Runti waa inaa  guda galaa Hawsheeda Jiliinka Jacaylka Beenta ah, waayo wiilka waa diyaarsan yahay, Balse aniga ina yaqaano” isla hadal kadib, cayuuni ayaa ku tiri Cali: “Aboowe wallaahi gacan ayaan kuu taagay Aabbaha Jacaylka inaad tahayna waan kuu qiray.

Walaalaha iyaguna waa ay ku raaceen Hadalka Cayuuni.

Cali: “Haye waa idinka sii tagayaa oo qolkeyga galayaa ee macsalaamo”

Cayuuni: “aboowe Teleefoonka ma ii dhiibtid waxyaabo ayaan ka tuuran lahaaye”

  • Dagaal Bilawgiisa ahaa…

Cali: “Abaayo iga dhaaf foodada Beri ayaan kuu dhiibayaa, ee hadda dad ayaan ka wacan lahaaye”

Cayuuni: “Aboowe wax yar waaye ee ii dhiib”

Cali culeys ayuu dareemay.

walaalaha Cali: “Aboowe Gabadha teleefoonka u dhiib waxa ay rabto ha tuuratee”

Cali waa uu u dhiibay Teleefoonka.

Cayuuni waxa ay horay ka eegtay qeybta wacitaaanada, waxa ayna aragtay Lambarka soo wacay, waxaana uga qornaay (My Life For Ever), kadibna inay ka laabatay ayey u save-gareysay Lambarkeeda, waxa ayna ugu Qortay, (New My Heart), kadibna Teleefoonka ayey siisay Cali.

Cali marka uu kasoo qaatay teleefoonka Cayuuni, isla durbadiiba qolkiisa ayuu Galay, kadibna waxa uu wacay Canab.

Canab teleefoonka waa ay ka qabatay.

Cali wax walba sida ay wax u jiraan ayuu y sheegay, weliba walaalihiisa ay dhibeen Caawa.

Canab waa ay ka aqbashay Hadalka Cali, iyada oo tiri; “Qaali waan ku aaminsanahay, balse adigaan ku sugaayey hadiiba ii timid waa mahad alle, ee aynu sii wadano sheekadeenna oo aan qadka soo wada galno”

Cali iyo Canab qadka ayey soo wada galeen

Cali iyo Canab waqti badan ayey wada sheekeysteen iyagoo ku gaareen waqti dambe.

Canab iyo Cali xoogaa kadib waa ay is-macsalaameeyeen oo ay kala jiifsadeen.

 

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

1 thought on “Q11: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *