Q10: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

》Labo Maalimood kadib. Cali Habaryartiisa, Ninkeeda iyo Caruurteeda waxa ay wada yimaadeen Guriga Cali.

Hooyada Cali ayaa soo Dhaweysay Walaasheeda, Dumaashigeeda iyo Ilmaha Habaryarta u tahay.

Cali oo Qolkiisa ku jira waxaa u galay ilmihii Habaryartiisa ay dhashay.

Cali: “Haye Muddo dheer kadib waad timaadeen, keligiina miyaa mise hooyo iyo aabbe idinla socda”

Gabadha Curuda Habaryartiisa: “Keligeenna ma ahan ee waxaa inala socda Hooyo iyo Aabbe”

Cali banaanka ayuu usoo Baxay kadibna waxa uu salaamay Habaryartiisa iyo Ninkeeda.

Cali Gurigooda mashquul ayuu Noqday, oo waxaa kusoo Kordhay Qoyska Habaryatiisa.

Cali fariin ayuu u diray Canab una sheegay In uu gurigoodu Noqday Mashquul saa’id ah, waxa uuna u sheegay waqtigii ay qadka ku sheekeysan jireen in uu kasoo daahi doono Mashquul jira awgiisa.

Canab waa ay usoo jawaabtay, iyada oo tiri; “Haye qaali waan ku sugayaa insha allah”

Hooyada Cali iyo Walaasheeda waxa dhex-martay Wada sheekeysi Gaaban.

Hooyada Cali: “Walaasheyda Kawaran Gabadhaada Haddio aynu u Guurino Wiilkeyga.

Walaasheeda: “Haa Waa mid wanaagsan, Mar ayaana is-dhahay, Balse adigaaba i dhahday abaayo”

Hooyada Cali: “Gabadheyda Halkaani ayey ku Noolaaneysaa, iskuulkana Halkaani ayey ka aadeysaa, Wax walbana anigaa Xalinaayo”

Walaasheeda: “Abaayo Hadiiba adiga Wax walba Xalineyso maxaan u diidayaa, waayo gabadhaada waaye”

Hooyada Cali: “insha allah”

Hooyada Cali iyo habaryartiisa waxa ay ku heshiiyeen Cali in loo Guuriyo Gabadhaasi Marka uu dhameeyo Jaamacadda, iyaduna ay dhameyso.

Cali iyo Gabadha Habaryartiisa Waxaa dhex-martay Kaftan iyo in ay ka sheekeystaan arimaha Jaceylka.

Cali waxa uu ku yiri; “Haye Abaayo inoo Markale, Oo shukaansi ayaa isugaayo” waa uuna ka tagay waxa uuna galay qolkiisa.

Gabadha Habaryartiisa: “Haye aboowe waan kuu jeedaa inaa ku daahiyey”

Xoogaa kadib Qadka ayuu Galay Cali.

Cali iyo Canab waa ay Wada sheekeysteen iyaga oo ereyo jaceyl iyo Kaftan isku tuur tuureen kadibna is-macsalaameeyeen.

Dhanka kale.

Habaryarta Cali iyo Gabadheeda ayaa ku Heshiiyeen in ay ku noolaato Gurigaan, wax walbana habaryarteeda in ay xalineyso ayeyn u sheegtay Gabadha.

Cali Habaryartiisa Gabadha ay Dhashay Magaceedu waxaa la Yiraahdaa Cayuuni.

 

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

 

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *