Q9: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Maalmo Kadib.

Tartanka Kubbada Cagta Ee dhalanita Xaafadda ayaa Bilaamay.

Cali iyo Kooxdiisa iyo Koox kale ayaa nasiib u yeeshatay in lagu daahfuro.

Canab waa ay timid Garoonka, iyada oo fadhiisatay Tarbuunka taageerayaasha.

Cali iyo Kooxdiisa waa ay soi galern garoonka.

Ciyaarta waa La Bilaabay.

Cali oo Goosha Kooxda kale ag-jooga Banoonigana lugta ku jiidaya ayuu arkay Canab oo fadhida Meesha taageerayaasha, waxa uuna Maqlay iyada oo dhaheysa, “Goosha ku Tuur Banooniga”, markuu maqlay ayuu Banooniga ku tuuray Goosha, Nasiib Wanaag Gooshii ayaa dhalatay, Xaataa Goolyaha Kooxda kale waa uu ku dhaawacmay Banoonigaasi Xooga badnaay.

Daqiiqado Kadib

Cali iyo Kooxdiisa waxa ay ku badiyeen 3 iyo Hal. Cali Schools oo naanestiisa tahay waxa uu dhaliyey Hal Gool, Midna isagaa Caawiye ka ahaay.

Ciyaarta marka ay soo idlaaday Waxa uu u yimid Canab, isaga oo xabad-geliyey, Yirina “Runti Hadalkaada kolkaan Maqlay ayaaba heley Energy Badan qaali”

Canab oo aad ugu riyaaqday Habsiintaasi ayey ku tiri; “Laacib inaad tahay xaafadda oo dhan ayaa laga wada og-yahay, Quruxow ii nolow isna ilaali”

Cali: “Insha allah Qaali”

Canab, Cali iyo Kooxdiisa waa ay isa soo raaceen iyaga oo soo wada aadeen Xaafadda…

Canab xaafadooda ayey ku hartay.

Cali isaguna Xaafadooda ayuu aaaday.

Cali Asxaabtii ee kooxda isla ahaayeen waxa ay kala aadeen xaafadahooda.

》Jaceylkii Ugubka ahaay Ee Cali iyo Canab waxa uu Noqday Mid aad looga helay

qaabka ay isla jaanqaadayaan Labadooduba.

Hooyada Cali: waxa ay ogaaday Xiriir jacayl in uu ka dhexeeyo Wiilkeedq iyo Gabadha Canab.

Hooyada Cali: Waxa ay go’aansatay Cali in ay ku darto Gabadha ay Habaryarta u tahay ee ay dhashay Walaasheeda.

Hooyada Cali: Waxa ay teleefoonka ka wacday Walaasheeda, waa ay wada sheekeysteen Labadooda, waxa ayna ku dhahday “Abaayo Adiga iyo Qoyskiina maalmo yar oo martiqaad ah ayaan idin smeyneenaa, Dhamaantiina inoo Imaada”

Walaasheeda: “Diyaar waaye abaayo waana idin imaaneynaa Laakiin iskuulada waa ay Furanyihiin, Kawaran Hadaan idin imaano Maalmaha fasaxa ah, Micnaha Khamiis iyo Jimco”

Hooyada Cali: “Haye abaayo waa idin wada sugayaa”

Walaasheeda: “Insha allah abaayo”

Hooyada Cali: markii ay teleefoonka kula hadashay walaasheeda kadib waxa ay gashay isla hadal oona tiri; “Haa ha imaadaan, Kolkaasi ayaan dhahayaa Gabadhaada Gurigaan ayey ku noolaaneysaa, Iskuulkana Halkaani ayey ka aadeysaa”

Cali Ciyaartiisa ayuu ku Mashquulsan yahay.

Canab iyaduna taageernimada Cali ayey ku mashquulsan tahay.

Kulan walba oo ay ciyaaraan Cali iyo Kooxdiisa waa ay soo Badinaayeen.

Cali Goolashiisa waa ay yaraadeen Balse Caawintiisa ayaa vadatay.

》isbuuc kadib.

Gabo-gabada ama Ciyaarta ugu dambeysa Tartanka (Final) waxaa isku soo haray Cali Kooxdiisa iyo Koox xaafadda ku cusub.

Final-ka ayaa la isku yimaaday.

Canab iyo Taageerayaasha Kooxda Cali waa ay Yimaadeen.

Cali inta uu Garoonka soo Gelin waxa uu teleefoonka kasoo wacay Canab oo garoonka ku jirtay.

Canab marka ay aragtay teleefoonka soo wacaayo in uu yahay Cali ayey banaanka uga soo baxday Garoonka.

Cali ayaaba arkay Canab oo banaanka usoo Baxday, waana u yeeray.

Canab: “Haye Qaali Maantay waxaanba Sugi la’ahay Guusha Tartanka oo idin koobka aadqaadiin”

Cali: “Qaali aniguna waxaanba sugi la’ahay Goorta aan is-helu doono, mucnaha is-guursan doono”

Canab: “Adiga Fooda weli miyaad wadaa, Arintaasi xilli munaasab ah ayaan ka hadlu doonaa, ee hadda ciyaarta soo ciyaar maalin kale ka sheekeysan doonaaye”

Cali: “Haye qaali, Laakiin waxaan kuu soo wacay ayaa ah inaa Hab kusiiyo si aan u Helo Energy (Awood) dhankaada ah”

Canab: “ma itaasaa qaali, haye kuu ogolahay Hab isii Hee”

Cali Hab ayuu siiyey Canab.

Tababaraha Kooxdiisa ayaa arkay Cali iyo Canab oo Hab isa siinaya, waa uuna u yimid oona yiri; “Haye Haasaawaha Jacayl Halkaani ma ahan, waayo Ciyaar ayaa ku sugeysa Cali, Marka Bahalkaasi Xoogaa Iska Xayir”

Canab iyo Cali Waa ay kala tageen, Canab garoonka ayey ku laabatay iyada oo fadhiisatay halkii ay fadhiday markiu hore.

Cali iyo Kooxdiisa Garoonka ayey soo galeen.

Xoogaa kadib Ciyaarta ayaa la bilaabay.

Cali dhawr mar ayaa La Dilay oo qaladaad lagu galay, Balse ugu Dambeynti Gool ayuu ka dhaliyey Meel dheer uu kasoo tuuray,Banooniga(Kubbada)ayuu Shabaqa Xaataa ka dhex bixiyey.

Taageerayaasha ayaaba indhaha kala taagay oo ka yaabay sida uu banooniga ku tuuray.

Cali marka yu Banooniga uu tuuray kadib, waxa uu tagay Canab oo uu madax ka taabtay.

Qeybta hore ee Ciyaarta waxaa lagu kala maray 1 iyo 0.

Qeybta Ugu dambeysa ee ciyaarta ayaa bilaabatay.

Cali Markale ayuu Dhaliyey gool, kaasi ahaay Mid Rigoore ah, Gool-hayaha ayaaba yaabay oona arkay Banooniga Xoogiisa.

Ciyaarta waxa ay socotaaba waxaa la dhaliyey Goolkii Saddexaad waxaana dhaliyey isla Cali kaasi ahaay mid meel dheer laga soo Tuuray, banooniga ayaaba Dilaacay marka uu goosha galay.

Ciyaarta oo ay ka harsan tahay 18 daqiiqo ayaa la yiri Cali Ciyaarta halaga saaro, waayo Mucjisadiisa ayaa lala yaabay.

Ugu Dambeynti Cali Ciyaarta waa laga saaray oo ciyaaryahan kale ayaa lagu badalay.

Cali markii laga saaray ciyaarta ma uusan nasanin, oo Tababarihiisa ayuu cawinaayey.

Kooxda Cali waxa ay dhaliyeen Gooshii 4aad.

Ugu Dambeytii Ciyaarta waxa ay kusoo idlaatay 4 iyo 0. Waxaana ku badiyeen Kooxda Cali.

waxaa la bilaabay Siinta Abaalmarinta iyo Koobka.

Cali waxaa la doortay,

Laacibka ugu wanaagsanaay.

Laacibka ugu Goolasha badan.

Goosha ugu Quruxda Badan.

Kabtan Ugu Xamaasad Badan.

Laacibka ugu Caawinta badan.

Cali waxaa la siiyey Haddiyadaha ugu Badan Meesha, waxaana la gudoonsiiyey Lacago fara badan oo Waraqado Check Banki ah.

Kooxda Cali ayaana Koobka la gudoonsiiyey waxaana u ruxay Kabtankooda Cali.

markii lasoo dhameeyey Abaalmarinada Cali waxa uu u tagay Canab, isaga oo waraaqaha lasoo gudoonsiiyey Mid ka mid ah uu yiri, “Hoo uga qabo midaan waa midaada soo qaado Lacagta meesha ku qoran”

Canab: “Qaali Maya ma rabo ee inoo Hay”

Cali: “Aniga hadii qof wax aan siiyey uu diido, waxaan u arkaa wax kale, Haddii aad diiday dhib malahanoo dadka meelaha taagan ayaan iska siinayaa”

Canab: “Oo adiga isku mid ayaanu nahaye, balse waan kaa qaadanayaa quruxow” waa ayna ka 1aadatay waraaqadii

Cali iyo Canab waa ay isa soo raaceen iyaga oo soo kala qadeen Xaafadahooda, waa ayna is-macsalaameeyeen, iyaga oo ku balameen in ay caawa qadka soo wada galaan……

Cali Xaafadda ayuu yimaaday, waraaqihii Lacagta ku qornaayeen qeyb ayuy farta ka saaray Hooyadiisa, qeybna Aabbihiisa ayuu siiyey, qeybna walaalihuisa iyo isaga, waxa uuna yiri; “Lacagtaani waa mid Banki ee hala soo wada qaato”.

Saacado kadib

Canab iyo Cali qadka ayey soo wada galeen.

Cali iyo Canab Waa ay is-xaal wareysteen.

Canab: “Qaali Markii qalad lagaaa galaayey inta aad banooniga ciyaareysay Cabsi ayaan dareemaayey, Balse alx haddiiba adiga oo nabad qaba aad kusoo guuleysatay koobka”

Cali: ” Wax walba oo wanaag ah hadii aad qalbiga gashato waa hubaal wanaag ayaad heleysaa Mar walbana ku dadaal macaaney”

Canab iyo Cali wada sheekeysi dheer kadib waa ay is-macsalaameeyeen oo ay kala seexdeen.

Cali iyo Canab waxa ay isku Balamiyeen Xeebta si ay Halkaasi ku sheekeystaan.

Canab iyo Cali waa ay wada yimaadeen halkii ay isku balamiyeen.

Cali iyo Canab wada sheekeysikoodii ayey galeen.

Canab: “Haye Aboowe Macaan Goormee ayaanu midowi doonaa”

Cali: “Abaayo Hadda Midow waa nahay sooma ahan”

Canab: “Midowga Hadda ma ahan Mid Dhameystiran, Marka goormee ayaan dhameystiri doonaa”

Cali: “Haa haye, Qaali Kawaran Hadaanu Ka dhigano Marka aan bilawno Jaamacadda”

Canab: “Waa arin wanaagsan Balse aniga waxaan jecleystay Kolka aan dhameyno Jaamacadda inaa ka dhigano aboowe macaane”

Cali: “Waa mid wanaagsan, haddii aynu isku xirnahay wax walba iyagaa wanaagsanaan doonaan, Axdigeenna iyo Kalsoonideenna aynu wada Dhawrno”

Canab: “Insha allah Qaali aniguba waan Dhawrayaa”

Cali iyo Cali Wada sheekeysikoodii Dheeraay waa ay soo Gabo-Gabeeyeen, waxa ayna wada galeen Balan.

Canab iyo Cali waa ay isa soo raaceen, Xoogaa kadib waa ay is-macsalaameeyeem oo waxa ay kala aadeen Xaafadahooda.

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *