Q8: Calmadayee Muxuu Calaf iga hiiliyey

0

Maalmo yar kadib. Canab iyo Cali waxa ay isku Balamiyeen Maqaayad Xeebta ku Taala.

Cali iyo Canab waa ay isku Yimaadeen.

Canab oo si Heer sare leh usoo Labisatay, Dhar soo jiidasho leh ayeyna soo Xiratay.

Cali ayaa arkay Canab oo aad usoo labisatay soona xiratay dhar quruxoon, isaga oo indhaha ka leexi la’

Canab ayaa aragtay Cali oo indhaha la leexineynin, kadibna ku tiri; “Maantay Korontada miyaa kaa tagtay waa adiga indhaha iga leexineynine aboowe”

Cali: “Quruxdaada ayaaba la ish-qaraaray oo indhahaba kaa leexan la'”

Canab: “Quruxdeyda waxaaba igaaga sii daran Adiga oo aad u qurux badan”

Cali: “Cafwan Xaalkaada maku weydiinin ee Sidee tahay”

Canab: “Haa aboowe waan Fiicanahay, Adiguna ii waran”

Cali: “maasha allah waan Fiicanahay Abaayo, Haye maantay Nuurkaada Baxayo oo Qalbigeyga ayaaba sii iftiimisay”

Canab: “oo Mala Hubaa Taas aboowe”

Cali: “Haa Runti Abaayo”

Canab oo isla Hadal gashay ayaa isku tiri: “Tolow wiilkaan jacaylka aan aniga dareemayo amuu isagana dareemay” isla Hadal kadib, aboowe warkaada isii maxaa warbixin ah oo aad ii heysaa maantay.

Cali: “Maantay hadal weyn oo qiimo leh ayaan kuu sidaa balse meel aan ka bilaawo ama saan u dhaho Fahmi la’ahay Abaayo”

Canab: “aboowe wax weyn ma jiro, haddii wax afka sheegi la’dahay waxaad wax ku sheegi kartaa Gacmaha, Haddii aadan ku sheegi karin gacanta waxaad wax ku sheegi kartaa Indhaha, ee aboowe wax walba waad ii sheegi kartaa”

Cali: “Abaayo inta aan wax sheegin ka hor fiiri indhaheyga, Maxaad ka dareemeysaa ama aad ka fahmeysaa?”

Canab: “haddaan qiyaaso, Waxaan ka fahmay in uu kusoo Hayo Boholyowga Caashaqa”

Cali: “Sax wax garad ayaad tahay abaayo”

Canab: “Aboowe qofka aad caashaqday waa tuma aan usoo sheegee inaad caashaqday”

Cali: “Qoftaasi waa qof aad igu weyn, waadna taqaanaa Qoftaasi”

Canab: “Yaah! Qofta aan aqaano ee aad caashaqday toloe yey noqon doontaa”

Cali: “Maskaxdaada ka shaqeysi qoftaasi waa qof aad igu dhaw weliba aad ii daneysa”

Canab oo xoogaa aamustay, kadibna ku tiri: “Aboowe maskaxdeyda ha iga mashquulin ee ii sheeg qoftaasi”

Cali: “Qoftaasi hadaan kuu sheego magaceyda ayaaba mid nafta u roon ah, waxaana la yiraaaaaaahdaaaaaaaaaaaaaaaaa, oona la yiraaaaaaaaaahdaaaaaaaaaaaaa”

Canab: “Aboowe Waaba sugi la’ahay ee ii sheeg qoftaasi magaceyda”

Cali: “Waaaa waaaaaaa Canab Cayuuni Xayaatii

Canab: “Canab kale sooma ahan aboowe”

Cali: “Canab kale maba aqaane, ruuxa ila jooga ayaana u qaaday Kalgacayl

Canab: “Aboowe runti Caashaqa ku helay Hortiisa waa uu isoo ag-maray, balse suganaayey In uu adiga ku Helo, waana helay waxaan sugaayey”

Cali: “Dad isku Faraxsanoo, wada fariidsan ayaanu nahay alle inaga dhabeeya Caashaqeenna”

Canab iyo Cali waa ay isku sheegteen Caashaqooda, wada sheekeysi iyo Kaftan dheer kadib waa ay kasoo tageen Maqaayadii.

Mucaashaqiinta iyaga oo isla Socda ay isa soo raaceen oo ay soo aadeen xaafadda.

Mucaashaqiinta marka ay yimaadeen xaafadda waa ay is-macsalaameeyeen oo ay kala aadeen Guriyahooda..

Canab iyo Cali Jacaylkoodu waa Ugub oo dhawaan Bilawday.

Cali iyo Canab iskuuladooda waxaa ka bilaamay Imtixaanka Dhexe (Mid-Term Exam), waxa ay wada galayaan isku maalin. Waan markii ugu horeysay oo isku maalun imtixaan wada galaan labada iskuul.

Canab oo ah Gabadh dadaal badan ayaa usii weecatay dhanka Caashaqa.

Cali oo ah wiil Jecel ciyaarista Banooniga oona dadaal badan ayaa uu kusii weecday dhanka Caashaqa.

Canab iyo Cali waxa ay ku Heshiiyeen inta uu imtixaanka socdo in ay yareeyaan isla Hadalka Badan.

Cali iyo Canab subax walba inta ay iskuuladooda aysan kala aadin waa ay isa soo wacaan si ay isku duceeyaan.

Maalmihii Imtixaanka iskuullada ayaa lagu jiraa.

》Wuxuu socdaaba Imtixaanka waa uu soo idlaaday.

Canab iyo Cali Marka uu imtixaanka usoo dhamaaday waxa ay isku balamiyeen in ay ku sheekeystaan Maqaayad ku dhex taala Hotel Xaafadda ku yaala.

Cali iyo Canab marka ay isku yimaadeen Maqaayada waa ay wada sheekeysteen iyaga oo kaftan isku bilaabay.

Saacado marka ay wada sheekeysteen waa ay isa soo raaceen labadooda oo wada faraxsan.

Canab iyo Cali waxa ay kala aadren Xaafadahooda iyaga oo is-macsalaameeyeen.

Saacado kadib

Cali iyo Canab Qadka internet-ka ayey soo wada galeen iyaga oo sheeko iyo kaftan bilaabeen.

Canab: “Ruux igu qaali baad tagoo Ruuxdeyda oo idil kuugu Hibeeyey”

Cali: “Qalbigeyga kuugu qorayo nafteyda ku jecel oo aan kaa maarmin”.

》 Ereyo macaan ayey xoogaa is-yiraahdeen.

Canab iyo Cali waa ay is-macsalaameeyeen oo qadka ayey ka kala baxeen..

Canab iyo Cali waa lamaane aad isku jecel oona Wax walba isla qabta.

Cali kooxdiisa waxa ay ka qeyb noqotay Kooxaha ka qeyb-qaadan doona Tartanka Dhalinta ee Xaafadda. Kaasi oo la Qabto Labadii sanno Mar.

Kooxda cali uu u dheelo waa Kooxda difaacaneysa Koobkaani iyada oo Labo Mar oo is-xig-xiga ku guuleysatay, Waxaana Hogaamiye u ah Cali.

Cali oo ah Kabtanka Kooxda ayaa lagu yiri waa inaad ku soo  guuleysatiinKoobkaas.

Cali marka loo soo sheegay in ay ka qeyb-galayaan Tartankaasi ayuu isla markiiba teleefoonka ka wacay Gaclisadiisa Canab.

Canab oo qolkeeda ku jirta ayey aragtay Teleefoonka soo wacayo in uu yahay Gacliyaheeda Cali, waa ayna ka qabatay.

Cali: “Muunad Wacaney Marka Hore iga Guddoon Salaan Kal iyo Laab ah, kadib Sidee tahay abaayo qaali”

Canab: “Farxaddii Nolosheydow Waan kaa Guddoomay Salaanta, waana Fiicanahay Aboowe, adiguna sidee ii tahay”

Cali: “Masha allah abaayo waan Fiicanahay, Abaayo Waxaan kuu Sheegayaa inaa ku Biirnay Tartanka Kubbada Cagta ee Dhalinta Xaafadda, kaasi oo la bilaabin doono Isbuuca soo socda”

Canab: “Waaw masha allah waa inaa kasoo Qeyb-galaa Tartankaasi oo aan soo daawadaa, Laakiin Aboowe waxaan ka Baqayaa in uu dhawaac kaa soo gaaro”

Cali: “Abaayo Niyadaada Qeyr u sheeh wax walba waa ay wanaagsanaan doonaan”

Canab iyo Cali waa ay is-macsalaameeyeen.

La soco Qeybta Xigta Inshaa allaah

W/Q: ASAD SIMBA LOVED

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *