Liverpool Oo Dalbatay In Lagu Celiyo Ciyaartii Xalay laga badiyay Ee Tottenham– Miyuu Sharcigu Ogol Yahay?

0

Tababare Jurgen Klopp ayaa wiixii xalay kooxdiisa ku dhacay ku tilmaamay waali, kadib markii gool sax ah laga diiday iyadoo garsooreyaashu ay ku fashilmeen inay kasoo hubiyaan aalada VAR, sidoo kalena kaadhkii hore ee la siiyey Diogo Jota uu qalad ahaa oo aanu taaban ciyaartoyga lagu eedeeyey inuu qaladka ku galay, isla markaana kaadh kale oo digniin ahaa kaas laga maarmi karey loogu daray.

Falalkii ka dhacay kulakii Tottenham ay 2-1 kaga adkaatay Liverpool, waxay abuureen in Reds ay tirsato caddaalad-darro weyn oo kaga timid dhinaca garsoorayasha,waxaanay is-weydiiyeen in iyadoo qalad uu sameeyey Curtis Jones lo soo fiiriyay VAR si casaan loo siiyo, in gool sax ahaa oo ay dhaliyeen laga diiday iyadoo aan laga soo eegin VAR.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa wixii ku dhacay kooxdooda ka falceliyey waxaanay usoo jeediyeen maamulka Premier League in lagu celiyo ciyaartaas oo go’aankeeda iyo natiijadeedaba ay meel sii dhigeen garsooreyaashu, sida ay taageereyaasha Liverpool ku doodeen.

Ciyaarta oo 0-0 ah ayuu Luiz Diaz gool u dhaliyey Liverpool, waxaanay ahayd waxyar kaddib markii casaanka la siiyey Jones, hase yeeshee calan-wadaha iyo garsoorka ka dhexe ayaa isku raacay in uu ahaa offside goolkaas, balse VAR oo ay ahayd inay qaladkooda saxdo ayaa iska indha tireen dhacdadaas.

Kaddib markii uu xidhiidhka gasooreyaasha PGMOL uu xalay sheegay in gef laga galay Liverpool, taageereyaasha Reds ayaa sheegay in la dhacay naadigooda oo aanay raalligelin la siiyo ku filnayn, taas beddelkeedana ay tahay in lagu celiyo ciyaarta.

“Ciyaarta waa in lagu celiyo. VAR na waa in la hubiyo in aanay wax qalad ah samaynin kulamada noocan oo kale ah, waa in aanay ku fashilmin inay go’aamada saxaan.” Sidaas waxaa dhahay mid ka mid ah taageereyaasha Liverpool.

Mid kale ayaa isaguna soo qoray sidaan: “Waa dareen aad iskugu badhxan wiixii dhacay ee ay garsooreyaashu ka sameeyeen kulankii Tottenham-Liverpool. Waxay ila tahay in loo baahan yahay in ciyaarta lagu celiyo.”

Farriimaha noocan oo kale ah ayaa illaa xalay haystay baraha bulshada, waxaa ayna jamaahiirta Liverpool dalbanayeen in ciyaarta lagu celiyo, hase ahaate waxaa dooddooda sii xoojiyey halyeeyadii Premier League ee Gary Neville iyo Jamie Redknapp oo iyaguna ku dooday, in xataa kaadhkii casaa ee Curtis Jones laga maarmi karayay oo garsooruhu uu ku talax-tegay kooxda, isla markaana ay ahayd in uu kaadh digniin ah siiyo.

Si kastaba ha ahaatee, dalabka taageereyaasha Reds ee ah in lagu celiyo ciyaarta ayaa ah mid aan macquul ahayn oo aanu sharcigu u ogolaanayn waxaanay ku qasban yihiin inay raalligelinta qaataan.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *