Mucjisadii LaLiga oo laga badiyey iyo Real madrid oo la Wareegtay Hoggaanka Horyaalka

0

Kooxda Real Madrid ayaa guul weyn ayaa ka gaartay Girona oo lagu tilmaamay mucjisada horyaalka Spain ee LaLiga ee xilli-ciyaareedkaan waxa ay kala wareegtay hoggaanka, kadib saddex gool oo ay qaybsaden saddex ciyaartoy.

Kooxda Los Blancos ayaa qaybtii horeba dishay Girona oo xaqiiqsatay inay guuleysanayso markii ay laba gool ku dhalisay afar daqiiqado gudahood, sidoo kalena ay kooxda garoonkeeda joogtay iska lumisay fursado bilowgii hore ahaa oo midkood ay birta garaaceen.

Xiddiga Joselu Mata ayaa daqiiqaddii 17-aad Real Madrid u dhiibay hoggaanka kadib markuu isku tuuray kubbad uu dhinaca bidix ka soo jabiyey Jude Bellingham.

Furaha guusha kooxda Real Madrid ayaa waxaa noqday goolkaas, laakiinse waxa ka horeeyey dhawr fursadood oo dahabi ahaa oo ay Girona iska lumisay.

10-kii daqiiqadood ee ugu horeeyey ciyaarta ayay laba fursadood oo waaweyn soo mareen kooxda Girona oo midkood uu ahaa madax ay birta dul-mariyeen iyo fursadda kale oo ahayd madax uu birta ka jaray xiddiga Tsygankov, taasoo uu goolhaye Kepa xataa awoodi waayey in uu raaco.

Goalka 2-aad ee Real Madrid ayaa waxa madax awood badan ku qabtay xiddiga qadka dhexe ee Aurelien Tchouameni oo meel cidlo ah ka helay kubbad koorne ahayd oo uu soo laaday Toni Kroos.

Naadiga Real Madrid oo inta badan ciyaarta hoggaaminaysay ayaa waxa uu Carlo Ancelotti u sheegay ciyaartoydiisa inay kubadda ilaaliyaan sidoo kalena ay ku dadaalaan in ay ka faa’iideeyaan fursadaha ay helaan.

Kubad gantaal ahayd oo uu weeraryahanka Joselu ku toogtay goolka ayaa waxa badbaadiyey Gazzaniga oo dadaal badan samaynayay, hase-yeeshee Jude Bellingham ayaa ku celiyey kubadda oo dhaliyey goolka saddexaad.

Goolkaaan ayaa ahaa midkii toddobaad ee uu Jude Bellingham u dhaliyo kooxdiisa Real Madrid xilli-ciyaareedkaan, waxaana uu hoggaaminayaa gool-dhalinta horyaalka.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay la wareegtay hogaanka horyaalka, waxay haysataa 21 dhibcood oo ay ka urursatay sideed kulan oo ay dheeshay, halka Barcelona ay u dhacday kaalinta labaad oo ay hal dhibic ka hoosayso Real Madrid, iyada oo Girona u daadegtay saddexaad.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *