Arsenal oo kaalinta 2aad soo gashay, kadib Guul ay Ka Gaartay Bournemouth

0

Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa premier League waxaana ay sii wadeen rikoorkooda cajiibka ah ee xilli ciyaareedkaan.

Naadiga Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxaana ay ka awood badnaayeen kooxda Bournemouth kuwaas oo daafac ku jiray inta badan ee kulanka.

Arsenal ayaa daqiiqadii 17aad dhalisay goolka 1aad waxaana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo furay goolasha kooxdiisa

Kooxda Arsenal ayaa halkaas ku joogsan waxaana ay sii wadeen dadaalka iyo maamulista ciyaarta iyagoo doonayay in ay Dilaan ciyaarta.

Daqiiqadii 44aad ayay Arsenal mar kale dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Martin Odegaard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Arsenal ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxaa sidaas ku dhamaatay qaybta ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso waliba tahay kooxda fiican xilli Bournemouth u babac-dhigi kari wayday weerarada Gunners.

Qaybtii dambe ayay Gunners ku bilaabatay si dar-dar leh waxaana ay doonayeen in ay ciyaarta hurdo u diraan kana fogaadaan laba filaan dhaca.

Daqiiqadi 53aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3aad waxaana u dhaliyay xiddiga Kai Havertz oo furtay Akoonkiisa goolasha ee Premier League ee Arsenal.

Naadiga Arsenal ayaa daqiiqadii 90+3aad dhalisay goolka 4-aad waxaqna u dhaliyay xiddiga Ben White kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Waxaa sidaas ku dhammaatay ciyaarta oo ay Arsenal xasuuqday kooxda Bournemouth si ku meel gaadh ahna u gashay kaalinta labaad ee kala saraynta premier League.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *