Xiddiga Sergio Ramos Oo Guul Ku Hogaamiyay Barcelona, Sida ay wax dhaceen ogow..

0

Kooxda Kubadda cagta ee Barcelona ayaa ku soo laabatay wadada guulaha ka dib, markii ay garaacday kooxda Sevilla kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa marti galisay kooxda Seville kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Camp Nou kaas oo ay kooxda Barcelona u baahnayd inay dhaliso.

Ciyaarta ayaa ahayd mid ku adag labada kooxood iyadooo koox walba soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah mid walbana doonaysay inay badiyaan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar baro gool la’aan ah iyagoo qaybta Nasashada ku aaday bar baro 0/0 ah.

Naadiga Barcelona ayaa qaybta dambe ku bilaabatay si dardar leh iyagoo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan.

Kooxda Barcelona ayaa daqiqiadii 76aad heshay goolka 1aad waxaana si khaldan isaga dhaliyey xiddigii hore ee real madrid iyo Paris Sergio Ramos oo hadda u ciyaara Seville, kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Barcelona.

Naadiga Seville ayaa wax walba u samaysay siday u soo laaban lahayd, laakiin fursadihii ay helayeen ayay iska khasaarinayeen.

Waxaa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona ku badisay 1/0 iyadoo Sergio Ramos guul uu si khaldan isaga dhaliyay Barcelona ugu hoggaamiyay guul ay si ku meel gaar ah hoggaanka La Liga ku qabatay

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *