DEG DEG: Naadiga Barcelona oo la ganaaxay, kadib lacagtii ay siisay garsoorayaal

0

Kooxda Barcelona ayaa lagu riday ganaax ka dhashay lacago uu siisay madaxweyne ku xigeenka xiriirka garsooreyaasha kubadda cagta ee Spain, taasoo sababi doonta ciqaabo adag oo la marsiiyo kooxdaan, inkastooo aan illaa iyo hadda la cadaynin in laga saarayo tartanka Champions League.

Garsooraha gacanta ku haya kiiska fadeexadda ah ee kooxda Barcelona oo lagu magacaabo Joaquín Aguirre, ayaa sheegay inay dembi iyo gef tahay in Barca ay lacago siiso Jose Maria Enriquez Negreira oo ahaa kubxigeenka xiriirka garsooreyaasha, si ay uga helaan sayiraad iyo natiijooyin fiican oo gudaha garoomada ah.

Ciidanka Booliska waddanka Spain ayaa iyaguna gudaha u galay xafiisyada xiriirka kubadda cagta Spain oo ay baaritaano ku sameeyeen, iyagoo daba socda kiiskaan.

Xilliga ay Barcelona falkaan samaysay oo ahayd xilligii ay madaxweyneyaasha ka ahaayeen Josep Maria Batomeu iyo Sandro Rossel, ayaa waxa Joaquín Aguirre uu amray in maxamadda la horkeeno labadaan madaxweyne hore, Jose Maria Enrique Negreira iyo wiil uu dhalay oo la dhaho Javier E. Romero.

Aguirre baa lacagta la siiyey Negreiro waxa uu ku sifeeyey mud laaluush ah siduu dhigayo sharciga waddanka Spain, waxaanay saxaafadda waddanka Spain sheegtay in aanu xidhiidhka kubadda cagta Spain wax shaqo ah ku lahayn arrintan.

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa hore u sheegay in Barcelona ay ka saarayaan tartanka Champions League haddii ay caddaato in ay bixisay lacago laaluush ah si ay uga hesho natiijooyin ciyaaraha oo ay garsooreyaasha u caawiyaan.

Si kastabba ha-ahaate, maxkamada ayaa laga sugayaa inay xukunkeeda si rasmi ah ugu dhawaaqdo, isla markaana ay maxkamadda kasoo muuqdaan masuuliyiinta loo haysto falkaan.

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *