Man City oo ka hartay Koobka carabao cup iyo Kulamadii kale natiijadooda

0

Kooxda Manchester City ayaa laga reebay tartanka Carabao Cup, waxaa 1-0 ku garaacday Newcastle United, waxa ay kooxda tababare Eddie Howe boos ka diyaarsatay wareegga afaraad.

Naadiga Liverpool ayaa ciyaar soo laabasho ah kusoo baxday markii ay 3-1 ku karbaashtay Leicester City oo heerka labaad ka ciyaarta, iyada oo kooxda tababare Klopp oo lagaga naxsaday gool bilowgii ciyaartu ay awooday inay saddex gool dhaliso.

Waxaa kale oo soo gudubtay Arsenal oo gool keliya ah ka dhalisay Brentford oo si weyn loogu saadaalinayay in ay ciyaartan guul ka keenayso, maadaama uu Mikel Arteta nasiyey ciyaartoydiisa muhiimka ah.

naadiga Chelsea ayaa heshay guul ay aad ugu baahnayd oo dib usoo noolaynaysa niyadda sii dhimanaysa ee ciyaartoydeeda, waxayna 1-0 kaga adkaadeen Brighton oo ugu dambayn ogolaatay in laga adkaaday markii uu Jackson gool ka dhaliyey qaybtii hore.

Natiijoyinka kulamadii caawa

Liverpool 3-1 Leicester

Blackburn 5-2 Cardiff

Lincoln 0-1 West Ham

Chelsea 1-0 Brighton

Bournemouth 2-0 Stoke

Brentford 0-1 Arsenal

Villa 1-2 Everton

Fulham 2-1 Norwich

Halkan kaga bogo 16ka kooxood ee usoo gudbay wareegga afaraad ee Carabao Cup

  1. Burnley
  2. own
  3. Middlesbro
  4. Exeter City
  5. Ipswich Town
  6. Manchester United
  7. Mansfield T
  8. ugh
  9. Port Vale
  10. Bournemouth
  11. Everton
  12. Blackburn
  13. Arsenal
  14. Chelsea
  15. Fulham
  16. West Ham
  17. Liverpool
  18. Newcastle

Share this content:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *